Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta i Ogeysiiska Habka Ilaalinta Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (IDEA) Ogeysiis: Dhamaan tixraacyada ku siocda iskuulka degmada waxaa loo adeegsan karaa mas’uuliyada. Tusmada Qoraalku Ka Kooban Yahay Ogeysiiska Qoran ee Mudnaanta leh......................................................................... 1 Luqada Hooyo ........................................................................................................... 2 Waraaqaha la iskugu gudbiyo hadka kambiyuutarka................................................. 2 Ogeysiiska Waalidka- Qeexida .................................................................................. 3 Ogolaanshaha Waalidka............................................................................................3 Qiimeynta Waxbarashada ee Madax banaanida ah .................................................. 6 Qeexdimaha .............................................................................................................. 8 Lagu aqoonsan karo Qofka........................................................................................ 8 Ogeysiis ku socda Waalidka ...................................................................................... 9 Xaqa uu WAalidku Leeyahay....................................................................................9 AWOOD U LEH OGAANSHAHA QORAALKA DIIWANSAN ................................... 10 QORAALKA DIIWAANSAN EE KA BADAN HAL CUNUG....................................... 10 Liistada nooca iyo meelaha warbixinta .................................................................... 10 LACAGTA AJUURADA........................................................................................... 10 SIXIDA QORAALKA DIIWAANSAN EE UU CODSADO WAALIDKU ...................... 11 FURSADA DHAGEYSIGA ....................................................................................... 11 HABKA DHAGEYSIGA ............................................................................................ 11 NATIIJADA DHAGEYSIGA...................................................................................... 11 OGOLAANSHAHA DAAH KA QAADIDA WARBIXINTA LAGU AQOONSAN KARO QOFKA................................................................................. 12 ILAALINTA............................................................................................................... 12 BAABI’INTA WARBIXINTA ...................................................................................... 13 Faraqa u Dhexeeya Dhageysiga Dacwada Nidaamka Xuquuq dhowrista iyo Habka Dawada Gobolka ................................................................. 13 La qabsiga Nidaamka Dacwada Gobolka ................................................................ 14 Habka Ugu Yar ee Nidaamka Dacwada Gobolka .................................................... 14 Xereynta Dacwada................................................................................................... 15 Xereynta Dacwada Xuquuq Dhowrista .................................................................... 16 Nidaamka Xuquuq Dhowrista .................................................................................. 17 Nooca Diiwaanka..................................................................................................... 19 Dhexdhexaadinta..................................................................................................... 19 Qeybta B ii Ogeysiiska Habka Ilaalinta Meeleynta Cunuga inta aan Go’aan laga Gaadhin Nidaamka Xuquuq Dhowrista iyo Dhageysiga..................................................................................... 21 Mudada ay Socoto Howsha Go’aan Gaadhistu ....................................................... 21 Dacwada Nidaamka Xuquuq Dhowrista aan Eexda lahayn ..................................... 23 Xaqa aad u leedahay Dhageysiga ........................................................................... 25 Dhageysiga Go’aanada ........................................................................................... 26 G’aanka kama danbeynta ah; Racfaanka; Dib u Hubinta Eexda Lahayn................. 27 Mudada ay Qaadaneyso iyo Dhageysiga Dib u Hubinta ugu Haboon ..................... 27 Talaabada Sharicga Rayidka, Marka lagu daro Waqtiga lagu Xereeyey Talaabadaasi ........................................................................................................ 27 LACAGTA QAREENKA ........................................................................................... 29 Awooda ay leeyihiin kuwa ka shaqeeya iskuulka..................................................... 30 Bedelida Meeleynta iyo Cayrinta Akhlaaq Xumida Awbeed..................................... 34 Go’aanka Arinka ...................................................................................................... 34 Racfaanka................................................................................................................ 34 Meeleynta Mudada Racfaanka ................................................................................ 36 Difaaca Cunuga Aan Wali u Qalmin Waxbarashada Gaarka ah iyo Adeegyada la xiriira............................................................................................... 36 Ku wareejinta Talaabada Sharci Fulinta iyo Awooda Sharciga Maxkabada ........................................................................................................... 37 General .................................................................................................................... 38 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 1 Warbixinta Guud OGEYSIISKA QORAN EE MUDNAANTA LEH 34 CFR §300.503 Ogeysiis Iskuulka degmadaadu waxaa ku waajib ah inuu ku siiyo ogeysiis qoraal ah (isaga oo kuugu gudbinaayo warbixinada qaarkood qoraal ahaan) mar kastaba: 1. Qorsheynta bilaabida ama bedelaada aqoonsiga, qiimeynta, ama meeleynta waxbarasho ee cunugaaga, ama shuruudaha waxbarashada dadweynaha ee bilaashka ah ee ugu haboon(free appropriate puplic education (FAPE) oo la siiyo cunugaaga; ama 2. Diidmada in la bilaabo, ama la bedelo aqoonsiga, qiimeynta, meeleynta waxbasho ee cunugaaga, ama shuruudaha waxbarashada dadweynaha ee bilaashka ah ee ugu haboon (FAPE) oo la siiyo cunugaaga. Waxa uu ogeysiisku ka kooban yahay Ogeysiiska qoran waxaa waajib inuu ka koobnaado: 1. Qeexaya talaabada iskuulka degmadaadu uu qorsheystey inuu qaado ama diidey; 2. Sharaxaaya sababta uu iskuulka degmadaadu u qorsheystey talaabo inuu qaado ama ku diidan yahay; 3. Qeexaya habka qiimeyn kasta, marxalada, qoraalka diiwaansan, warbixinta uu isticmaaley iskuulka degmadaadu si uu u go’aansado inuu talaabo qaado ama diido; 4. Marka lagu daro qoraalka sheegaya inaad haysato difaac hoos yimaada shuruudaha habka ilaalinta ee Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA); 5. Kuu sheegaya sidii aad u heli lahayd qeexitaanka habka ilaalinta hadii talaaba iskuulka degmadaadu uu qorsheystey inuu qaado ama uu diidey aaney ahayn mid loo soo tixraacey si loo bilaabo qiimeynta; 6. Marka lagu daro ilaha laguugu talo galey inaad la xiriirto si ay kaaga gargaaraaan inaad fahamto Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran(Part B of the IDEA); 7. Kuu sharxaya wixii kale ee xulasho cunugaaga u banaan ee ah Xubinta waxbarahsada shaqsiyaadka(IEP) ee ka fikirtey iyo sababta lowgu diidey cunugaaga ; iyo 8. Ku siiya qiixdin ah sababaha kale ee isluulka degmadaadu uu u qorsheystey ama ku diidey talaabada. Ogeysiiska oo ku qoran luqad la fahmi karo Ogeysiisku waa waajib inuu ahaado: 1. Mid ku qoran luqad ay fahmi karaan guud ahaan dadweynuhu; iyo 2 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 2. Laguugu soo gudbiyey luqadaada hooyo ama wixii kale ee lagu wada xiriiri karo eed isticmaashid, ilaa aaney ahayn mid aan suurtogal ahayn. Hadii luqadaada hooyo ama habka kale ee lagugula xiriiri kartaa aanuu ahayn luqad qoran waxaa waajib ah in iskuulka degmadaadu uu hubiyo arintaasi: 1. Ogeysiiska waxaa laguugu turjumey luqadaada hooyo eed ku hadasho ama habka kale eed kula xiriiri kartid; 2. Waad fahamtey waxa uu ogeysiisku ka kooban yahay; iyo 3. Waxaa jira cadeyn qoraal ah taasi oo 1 iyo 2 ay labaduba buuxiyeen. LUQADA HOOYO 34 CFR §300.29 Luqada hooyo, Marka uu isticmaalo qof kaasi oo aan si fiican u aqoonin ingiriisiga, waxay la mid tahay kuwa hoos ku dhigan: 1. Luqada caadiyan uu qofku isticmaalo, ama, cunuga daraadii, luqada caadiyan ay isticmaalaan waalidkiisu; 2. Dhamaanba wixii cunuga si toos ah ula xiriira (marka lagu daro qiimeynta cunuga), luqada sida caadiga ah uu cunugu isticmaalo marka guriga uu joogo ama meesha uu wax ka barto. Qofka dhagaha aan wax la maqli karin ama aan indhaha wax ka arki kari, ama qofka aan luqadiisa uu ku hadlaa aaney qorneyn, habka kale ee uu dadka kale kula xiriiri karo oo ah midka uu caadi ahaan isticmaalo (sida luqada ay isticmaalaan dadka aan dhagaha wax ka maqal, farta ay akhriyi karaan dadka aan indhaha wax ka arag (Barille), ama afka ka wada hadal). WARAAQAHA LA ISKUGU GUDBIYO HADKA KAMBIYUUTARKA 34 CFR §300.505 Hadii iskuulka degmadaadu siiyo waalidka doorasho ah inaad ku heshid waraaqaha la iskugu diro kambiyuutarka, waxaad dooran kataa inaad ku heshid waxyabaha soo socda habka kambiyuutarka ee waxraaqaha la iskugu diro: 1. Waqtiga la qorey ogeysiiska; 2. Ogeysiiska habka ilaalinta; iyo 3. Ogeysiiska la xiriira dacwada nidaanka xuquuq dhowrista. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta OGEYSIISKA WAALIDKA-QEEXIDA 3 34 CFR §300.9 Ogolaansho Ogolaanshaha macneheedu waa: 1. Si cad ayaa laguu ogeysiiyey iyada oo la adeegsanayo luqadaada hooyo ama habka kale ee lagugula xiriiri karo (sida luqada ay isticmaalaan dadka aan dhagaha wax ka maqal, farta ay akhriyi karaan dadka aan indhaha wax ka arag (Braille), ama afka ka wada hadal) dhamaanba warbixinta ku saabsan talaabada lagaa rabo ogolaanshaheeda. 2. Waad fahamsan tahay kuna raacsan tahay talaabadaasi iyada oo qoraal ah, iyo ogolaansho sharxaaya talaabadaasi iyo liistooyin ah qoraalka diiwaansan (hadii ay jirto) kaasi oo loo gudbin doono iyo qofka ay ku socoto; iyo 3. Waad fahamsan tahay inuu ogolaanshuhu yahay mid aad u sameyn karto si madaxbanaani ah ama aad ka noqon kartid ogolaanshahaaga mar ala markii aad doonto. Ka noqoshadaada ogolaanshaha hadii aanad cadeyn diidmada (dib uga noqonsho) ka dib marka aad siisid ogolaanshahaaga ayna dhacdo talaabo qaadidu ka hor inta anad ka noqon ogolaanshahaaga. OGOLAANSHAHA WAALIDKA 34 CFR §300.300 Ogolaanshaha bilowga qiimeynta Iskuulka degmadaadu ma fulin karo bilowga qiimeynta cunugaaga si ay go’aan uga gaadhaan in cunugu uu u qalmo wixii hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA) si uu u helo waxbarashada gaarka a iyo adeegyada la xiriira iyada oon ugu horeyn adiga aananu qoraal kugu la socodsiin fulinta talaabada iyo iyada oon la helin ogolaanshahaaga sida lagu sharxay cinwaanka Ogolaanshaha waalidka. Iskuulka degmadaada waxaa ku waajib ah iney sameyaan dadaal macquul ah si ay u helaan wargalinta ogolaanshahaaga ee bilowga qiimeynta si ay go’aan uga gaadhaan in cunugaagu yahay mid laxaad daran. Ogolaanshahaaga billowga qiimeyntu maaha macheheedu inaad siisey iskuulka degmadaada ogolaansho ah iney u bilaabaan cunugaaga waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada kale ee la xiriira. Hadii cunugaagu uu wax ka barto iskuulada u dhexeeya dadweynaha ama aad raadineyso inuu cunugaagu imika ka bilaabo waxbarashadiisa iskuulada u dhexeeya dadweynaha oo aad diidan tahay inaad soo gudbiso ogolaanshaha ama aanad ka soo jawaabin codsiga ogolaanshaha ee bilowga qiimeynta, laga yaabaa in iskuulka degmadaadu sameeyo, laakiin kuma aha waajib iney raadiyaan si ay u fuliyaan in loo bilaabo qiimeynta cunugaaga ayada oo la adeegsanayo Sharciga dhexdhexaadinta ama nidaamla xuquuq dhowrista, kulanka go’aan gaadhista, iyo 4 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta habka dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ee aan eexda lahayn ( ilaa ay tahay mid waajib ah in la sameeyo ama uu madnuucay in la sameeyo sharciga Gobolka u yaala) Iskuulka degmadaadu kuma xadgudbaayo mas’uuliyada saaran si loo helo ama loo garto loona qiimeeyo cunugaaga. Hadii aan lagu sameyn qiimeyn daba socota arimahani daraadood, waa hadii aanuu gobolku u baahneyn in la daba galo. Qaanuunka gaarka ah ee bilowga qiimeynta ilmaha xilkiisa ay dawladu hayso Hadii cunuga uu yahay mid xilkiisa ay dawladu hayso kaasi oon la nooleyn isaga/iyada waalidkiisa— Iskuulka degmadu ugama baahna wax ogolaansho ah waalidka taasi oo lagu bilaabi lahaa qiimeynta si looga gaadho go’aan hadii uu cunugu yahay cunug qaba laxaad daro hadii: 1. Inkasta oo la sameyey dadaal macquul ah, iskuulka degmadu waa heli kari waayey waalidka; 2. Ququuqda waalidka waa laga saarey meesha marka loo eego sharciga Gobolka; ama 3. Xaakinka ayaa u xilsaarey qof kale oon ahayn waalidka cunuga inuu sameeyo go’aanada waxbarashada iyo ogolanshaha bilowga qiimeynta. Ilmaha xilkiisa ay Dawladu hayso, sida lagu isticmaaley Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka laxaadka daran (IDEA),macneheedu waa, cunuga uu Gogolku gaadho go’aanka meesha uu cunugu ku noolaanayo sida : 1. Ilmaha qoys kale uu korinayo; 2. Loo qorsheeyey sida hoos timaada qaanuunka Gobolka in ilmaha xilkiisa ay dawladu hayso; ama 3. Korsiinta cunuga oo ku xidhan hay’adaha caawiya dadka danyarta ah. Ilmaha xilkiisa ay dawladu hayso kuma jiro cunuga uu koriyo qoys kale oon ahayn qoyskii uu ka dhashey kaasi oo leh waalid ah kuwa korinaya. Ogolaanshaha waalidka ee gargaarada Iskuulka degmadaadu waa iney helaan wargalin ah ogolaanshahaaga ka hor inta aaney u bilaabin cunugaaga waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira marka ugu horeysa. Iskuulka degmadaadu waxaa ku waajib ah iney sameeyaan dadaal macquul ah oo ay ku helaan wargalin ah ogolaanshaha ka hor inta aaney siinin cunugaaga waxbarasho gaar ah ama adeegyada la xiriira kuwaasoo ah markii ugu horeysa. Hadii aanad ka jawaabin codsiga lagugu soo weydiiyey ogolaanshaha si cunugaagu u helo waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira kuwaasoo ah markii ugu horeysey, ama hadii aad diido inaad bixiso ogolaanshaha noocani ah, iskuulka degmadaadu lagama yaabo inuu isticmaalo abka ilaalinta ( tusaale ahaan, dhexdhexaadin, dacwada nidaamka xuquuq dhowristam,kulanka go’aan gaadhista, ama dhageysiga nidaanka xuquuq dhowrista een eexda lahayn) si loo gaadho heshiis ama qaanuunka waxbarashada gaarka ah iyo gargaarada la xiriira ee ay ku taliyeen Xubinta Barnaamijka Waxbarashada Shaqsiyaadka (IEP) laga yaabaa in cunugaagu uu helo ogolaanshahaaga la’aantii. 5 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Hadii aad iska diidid inaad bixisid ogolaanshaha si uu cunugaagu u helo waxbarashada gaarka ah ama gargaarada la xiriira marka ugu horeysa, ama hadii aanad ka soo jawaabin codsiga ogolaanshaha iyo iskuulka degmadu aanuu siin cunugaaga waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira taasi oo lagu raadshey ogolaanshahaaga, iskuulka degmadaadu: 1. Kuma xadgudbin waxyaabaha la iska rabo in la sameeyo si loo helo waxbarashada bilaashka ah ee ugu haboon ee dadweynaha ( Free appropriate public education) (FAPE); iyo 2. Waajib maaha in la helo Xubinta Barnaamijka Waxbarashada ee Shaqsiyaadka (individualized education program) (IEP) kulan ama horumarinta xubinta waxbarashada shaqsiyaadka (IPE) ee cunugaaga ee waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira kuwaasi oo lagu codsadey ogolaanshahaaga Ogolaanshaha waalidka ee dib u qiimeynta Iskuulka degmadaadu waa inuu helaa wargalinta ogolaanshahaaga ka hor inta aan dib loo qiimeynin cunugaaga, jeeroo iskuulka degmadaadu muujiyo inuu: 1. Qaadey talaabooyin macquul ah si loo helo ogolaanshahaaga si dib lowgu qiimeeyo; iyo 2. In aanad ka soo jawaabin. Hadii aad diidid inaad ogolaatid dib u qiimeynta cunugaaga, iskuulka degmadaadu waa sameyn karaa, laakiin waajib kuma aha, iney sii wadaan howsha cunugaaga ee dib u qiimeynta iyada oo la isticmaayo dhexdhexaadin,kulanka go’aan gaadhista,habka dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista een eexda lahyn, oo lagu raadinayo in laga kaaftoomo ogolaanshahaaga ee dib u qiimeynta cunugaaga. Sida ay tahay bilowga qiimeynta, iskuulka degnadaadu ku xadgudbi maayo waajibaadkiisa hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA) hadii la diido sii wadida howsha dib u qiimeynta ee waxqabadkani lagu gudo jiro. Waraaqaha cadeynaya in la sameeyo dadaal macquul ah oo lagu raadinayo ogolaanshaha waalidka Iskuulka degmadaadu waa inuu sii wadaa isaga oo qoraal ku cadeynaya in la sameeyey dadaal macquul ah oo lagu raadinayo ogolaanshaha waalika ee bilowga qiimeynt, si loo siiyo waxbarashada gaarka ah ama adeegyada la xiriira ugu horeynta, si dib lowgu qiimeeyo iyo helitaaanka waalidka ilamaha xilkiisa ay dawladu hayso ee bilowga dib u qiimeynta. Waraaqaha cadeynta waa in ay la socotaa qoraalka diiwaansan ee iskuulka degmada kaasi oo isku dayey arimaha sida: 1. Qoraalka diiwaansan oo faahfaahsan ee ah teleefanadii la wacay ama la isku dayey, iyo xaasilkii teleefanka la wacay; 2. Koobiyaal ah xaashiyihii loo direy waalidka iyo wixii laga heley ee jawaabo ah; iyo 3. Qoraalka diiwaansan oo faahfaahsan ee ah booqashooyinkii lagu sameeyey guriga waalidka ama shaqada iyo xaasilkii ka soo baxay booqashooyinkaasi. Ogolaanshaha kale ee loo baahan yahay Ogolaanshahaaga looma baahna ka hor inta aanuu iskuulka degmadaadu: 1. Dib u hubinin wixii macluumaad jira ee ka mid ah qiimeynta cunuga ama dib u qiimeynta; ama 6 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 2. Siin cunugaaga imtaxaan ama qiimeyno kale, kuwaasi oo la siiyey dhamaanba cunugyada jeeroo, ka hor imtaxaankaasi ama qiimeyntaasi, ay ogolaanshuhu ahayd mid laga rabo dhamaanba waalidiinta cunugyada oo dhan . Iskuulka degmadaadu isticmaali maayo diidmadaada ogolaanshaha hal adeeg ama kugu diidi maayo waxqabad kale ama cunugaaga wixii kale ee adeegyo ah ee loo qaban lahaa, faa’iidooyin, waxqabad Hadii cunugaag aad gaysatid iskuulada ay shaqsiyaadku leeyihiin ee gaarka ah oo aad kharashka adigu aad qabto ama aad gurigaaga wax ku bartid, oo aanad bixin ogolaanshaha bilowga qiimeynta cunugaaga ama dib u qiimeynta cunugaaga, ama aad ku guuldareysato ka soo jawaabida codsiga bixinta ogolaanshaha, iskuulka degmadaadu laga yaabaa in aanuu isticmaalin habka ka kaaftoonka ogolaanshaha( tusaale ahaan, dhexdhexaadinta, dacwada nidaamka xuquuq dhowrista,kulanka go’aan gaadhista, ama dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista een eexda lahayn) looma baahna in cunugaaaga loo arko inuu u qalmo inuu helo adeegyada cadaalada ah (adeegyada lowgu talo galey cunugyada laxaadka daran ee ay waalidkoodu ku darsadeen iskuulada ay leeyihiin shaqsiyaadk gaarka ahi). QIIMEYNTA WAXBARASHADA EE MADAX BANAANIDA AH 34 CFR §300.502 Guud ahaan Sida lagu sharxay hoos, waxaad xaq u leedahay inaad u heshid cunugaaga qiimeynta waxbrashada madaxbanaanida ah (IEE) hadii aanad ku raacin qiimeynta cunugaaga ee uu sameeyey iskuulka degmadaadu. Hadii aad codsato waxbarashada madaxbanaanida ah, iskuulka degmadaada waxaa ku waajib ah inuu ku siiyo waxbixinta halkii aad ka heli lahayd qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ah iyo iskuulka degmada waxyaabaha asaasiga u ah heerka ay wax ku qiimeeyaan ee khuseysa waxbarashada madaxabanaanida ah. Qeexdimo Qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ah macneheedu waa qiimeyn uu fuliyey imtaxaan qaade khibrad u leh kaasi oo aan ka shaqeynin iskuulka degmada ee mas’uulka ka ah waxbarahada cunugaaga. Kharashka u dhexeeya dadweynaha macneheedu waa inuu iskuulka degmadaadu uu bixiyo lacagta ku baxda qiimeynta oo dhan ama hubiyo in qiimeynta wax lacag ah aan lagaa weydiinin adiga, qodobka sharciga joogtada ah ee Qeybta B ee Sharciga Waxbarahsada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA) kaasi oo ogol in Gobol kasta uu isticmaalo wixii kasta ee Gobolk, Degaan, Dawlada Dhexe ama ilaha gaarka ah ee taageero ah ay yihiin qaar laga heli karo Gobolka kuwaasi oo buuxiya waxyaabaha la iskaga baahan yahay ee Qeybta B Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka laxaadka daran(Part B of the IDEA) Xaqa uu waalidku leeyahay ee qiimeynta loo adeegsado kharashka u dhexeeya dadweynahay Waxaad xaq u leedahay qiimeynta waxbarashada ee madaxbaanida ah ee cunugaaga oo loo adeegsado kharashka u dhexeeya dadweynaha, hadii aanad ku raacin qiimeynta uu cunugaagu ka heley iskuulka degmada, marka loo eego xaalada soo socota: 7 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 1. Hadii aad cunugaaga u codsato in la sameeyo qiimeynta waxbarashada ee madaxbanaanida ah oo la isticmaalo kharashka ka dhexeeya dadweynaha, iskuulka degmada waxaa ku waajib ah, in aaney marnaba dib u dhigin, midkood: a) Ku guuldareysi dacwada xuquuq dhowrista si ay kuu tusaan in qiimeynta cunugaagu ay tahay mid haboon; ama b) Bixiya qiimeynta waxbarashada ee madaxbanaanida ah isaga oo isticmaalaya kharashka ka dhexeeya dadweynaha, jeeroo iskuulka degmadu uu ku sharxo dhageysiga in qiimeynta cunugaaga eed heshey aaney waafaqsaneyn waxyaabaha aasaasiga u ah iskuulka degmada. 2. Hadii iskuulka degmadu uu codsado dhageysi ah go’aanka kama danbeynta ee qiimeynta cunugaaga ee iskuulku uu sameeyey ayna tahay mid haboon wali xaq baad u leedahay inaad qiimeynta waxbarashada ee madaxbanaanida ah aad hesho, laakiin maaha mid laguugu fulin doono kharashka ka dhexeeya dadweynaha. 3. hadii aad codsato qiimeynta wxbarashada ee madaxbanaanida ah ee cunugaaga, iskuulka degmadu waxaa laga yaabaa inuu ku weydiiyo sababta aad u diidey qiimeynta cunugaaga eed ka heshey iskuulka degmada. Si kastaba ha ahaatee, iskuulka degmadaadu lagama yaabo inuu kaaga baahdo sharaxaad ama lagama yaabo iney si aan macquul ahayn ay dib ugu dhigaan, midkood iney ku siiyaan qiimeynta waxbarashada ee madaxbanaanida ah ee cunugaaga iyadoo la isticmaayo kharashka u dhexeeya dadweynaha ama buuxiyaan dacwada nidaamka xuquuq dhowrista si loo difaaco qiimeynta cunugaaga ee uu sameeyey iskuulka degmadaadu. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho hal mid oo ah qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ah, cunugaaga iyada oo la isticmaalayo kharashka u dhexeeya dadwynaha, mar kasta oo iskuulka degmadaadu uu fuliyo qiimeynta cunugaaga taasi oo ah mid adigu aanad ku raacsaneyn. Qiimeynta uu waalidku- bilaabo Hadii aad hesho qiimeynta waxbarashada ee madaxbanaanida ah oo la isticmaalo kharashka u dhexeeya dadweynaha ama aad la qeybsato iskuulka degmada qiimeynta cunugaaga taasi oo la isticmaaley khrash gaar ah oo shaqsiyadeed: 1. Iskuulka degmadaadu waxaa ku waajib ah iney ka fikiraan natiijada qiimeynta cunugaaga, hadii ay waafaqsan tahay iskuulka degmada waxyaabaha aasaasiga u ah ee qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ah, go’aan kasta oo la gaadho oo tixgalinaya qorsheynta waxbarashada bilaashka ah ee ugu haboon ee dadweynaha (FAPE)ee cunugaaga iyo ; 2. Adiga ama iskuulka degmadaadu laga yaabaa inaad soo bandhigtaan cadeymo aad ku muujineysaan qiimeynta waqtiga dhageysiga nidaanka xuquuq dhowrista kuwaaasi oo ku saabsan cunugaaga. Codsiga sarkaalka dhageysiga ee qiimeynta Hadii la codsado sarkaalka dhageysiga ee qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ah ee cunugaaga taasi oo ka mid noqon karta nidaamka xuquuq dhowrista, lacagta ku baxdaa waa khasab in lagu bixiyo kharashka u dhexeeya dadweynaha. Iskuulka degmada waxyaabaha aasaasiga u ah Hadii qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ahi tahay mid loo sticmaaley kharaska u dhexeeya dadweynaha, waxyaabaaha aasaasiga ah ee loo adeegsadey qiimeyntaasi la heley, marka lagu daro goobaha laga sameeyey qiimeynta iyo heerka khibrada imtaxaan qaadaha, waa waajib iney ahaato mid la md ah waxyaabaha aasaasiga ah ee uu iskuulka degmadu Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 8 isticmaalo marka la bilaabo qiimeynta (ilaa iyo xadka waxyaabaha aasaasiga ah ay yihiin qaar joogto ah oo waafaqsan xuquuqdaada qiimeynta waxbarashada ee madaxbanaanida ah. Marka laga reebo waxyaabaha aasaasiga ah ee kor lagu qeexay , iskuulka degmadu kuma qasbana xaaladaha ama mudada la xiriirta helitaanka qiimeynta waxbarashada madaxbanaanida ah ee loo adeegsado kharashka u dhexeeya dadweynaha. Warbixinta Dahsoon QEEXDIMAHA 34 CFR §300.611 Sida lagu isticmaaley dhageysiga Warbixinta dahsoon: . Baabi’inta macneheedu waa iyadoo muuqaal ahaan la baabiiyo wixii qofka lagu aqoonsan lahaa ee warbixinta ku dhigan, sidaa awgeed warbixintu maaha mid qofka wax ka sheegi karta si loo aqoonsado. . Qoraalka diiwaansan ee waxbarashada macneheedu waa nooca qoraalka la hayo ee hoos timaada qeexida “qoraalka diiwaansan ee waxbarashada” in 34 CFR Qaybta 99 (xeerka fulinta ee Sharciga Xuquuqda Waxbarashada qoyska ee gaarka ah ee1974, 20 U.S.C. 1232g (FERPA)). . Laanta ka qeybqaadaneysa macneheed waa iskuul kasta oo ka tirsan degmada, laanta ama machad, kaasi oo ururiyey, sii socodsiisa, ama isticmaala waxyaabaha qofka lagu garan karo, ama warbixintaasi oo laga heley Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA). LAGU AQOONSAN KARO QOFKA 34 CFR §300.32 Lagu aqoonsan karo qofka macneheedu waa warbixin ay la socoto: (a) Magaca cunugaaga, magaca waalidka, ama magaca qof kale oo ka tirsan qoyska; (b) Cinwaanka cunugaaga; (c) Waxyaabaha qofka lagu aqoonsan karo, sida cunugaaga lambarkiisa aqoonsiga qofka (SSN) ama lambarka ardeyga; ama (d) Liisto ah waxyaabaha qofka lagu aqoonsado, ama warbixin suurtogalin karta in la aqoonsan karo cunugaaga taasi oo leh waxyaabo macquul ah oo lagu xaqiijin karo. . Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta OGEYSIIS KU SOCDA WAALIDKA 9 34 CFR §300.612 Laanta Waxbarashada Gobolka waxaa waajib ku ah iney siiyo ogeysiis buuxa oo dhameys tiran oo lagu wargalinayo waalidka taasi oo ku saabsan warbixinta aqoonsiga qofka ee dahsoon, marka lagu daro: 1. Sharaxaad ilaa xad faahfaahsan taasi oo ogeysiiska lowgu gudbiyey kooxaha kala duduwan ee ku nool Gobolka luqadahooda hooyo; 2. Sharaxaada cunugyada kuwaasi oo la hayo warbixinta lagu aqoonsan karo, nooca warbixinta la raadiyey,habka uu Gobolku rabo inuu u isticmaalo si loo ururiyo warbixinta (marka lagu daro ilaha warbixinta laga heley) iyo hanaanka loo isticmaaley warbixinta; 3. Qorshayaasha iyo habka oo la soo kooobey kuwaasi oo waajib ah iney raacaan laanta ka qeybqaadaneysa, marka loo eego wixii la hayo ee daah ka qaadida ku ah gacan sadexaad howsha, xafidaada iyo baabi’inta warbixinta aqoonsiga qofka; iyo 4. Sharaxaad ah dhamaanba xaqa uu waalidku leeyahay iyo cunugayada marka loo eego warbixintani, marka lagu daro xaqa hoos yimaada Sharciga Xuquuqda Waxbarashada Qoyska ee gaarka ah (Family Educational Rights and Privacy Act) (FERPA) iyo xeerka fulinta ee 34 CFR Part 99. Ka hor inta aaney dhicin wax sidaasi u weyn oo aqoonsi ah, helitaan ama qiimeyn lagu dhaqaaqey (taasi oo loo yaqaano “Helida Cunuga”) ogeysiisku waa waajib in lagu daabaco wargeyska ama lagu sheego warbaahin kale, ama labadoodaba, taasi oo dhamaanba si buuxda loo wargalinaayo waalidka Gobolka oo dhan, si loo helo, loo garto, iyo loo qiimeeyo cunugyada u baahan waxbarashada gaarka ah ama adeegyada la xiriira. XAQA UU WAALIDKU LEEYAHAY 34 CFR §300.613 Laanta ka qeybqaataha waxaa waajib ku ah inuu kuu ogolaado inaad baadho oo aad dib u hubiso qoraalka diiwaansan ee waxbarashada cunugaaga ee la ururiyey, la hayo, ama uu isticmaaley iskuulka degmadaadu ee hoos timaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarshada Shaqaiyaadka Laxaadka daran(Part B of the IDEA). Laanta ka qeybqaadanaya waxaa ku waajib ah inuu adeeco codsigaaga baadhista iyo dib u hubinta ee qoraalka diiwaansan ee waxbarashada cunugaaga oo dhan iyada oo aan loo baahneyn in dib loo dhigo iyo kulanka Xubinta Waxbarashada Shaqsiyaadka (IEP), ama wixii kale ee ah dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista (marka lagu daro kulanka go’aan gaadhista ama dhageysiga ku saabsan edbarida), kiisna fulintiisu qaadan mayso in ka badan 45 maalmood ka dib marka aad codsato. Waxyaabaha aad xaqa u leedahay inaad baadho iyo inaad dib u hubiso qoraalka diiwaansan ee waxbarashada marka lagu daro: 1. Xaqa aad u leedahay inaad ka heshid jawaab laanta ka qeybqaataha ee si macquul ah aad uga codsatey in laguu sharaxo oo laguu turjumo qoraalka diiwaansan; 2. Xaqa aad u leedahay inaad codsato in laanta ka qeybqaatuhu uu ku siiyo koobi ah qoraalka diiwaansan hadii aanad sameyn kareynin baadhis dhaqan gal ah iyo dib u hubinta qoraalka diiwaansan ilaa aad heshid koobiyada ; iyo 3. Xaqa aad u leedahay inaad lahaato wakiil adiga kaa socda oo baadha oo dib u hubiya qoraalka diiwaansan. 10 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Laanta ka qeybqaataha waxaa laga yaabaa inuu u qaato inaad u haysato awood inaad baadho iyo inaad dib u hubiso qoraalka diiwaansan ee la xiriira cunugaaga, ilaa lagu taliyo in aanad u lahayd awood taasi oo hoos timaada sharciga Gobolku uu ku xukumayo sida arimaha ilaalinta, ama gaar u kala noolaashaha, iyo furniinka waalidka. AWOOD U LEH OGAANSHAHA QORAALKA DIIWANSAN 34 CFR §300.614 Laanta kasta ee mid ah ka qeybqaataha waxaa waajib ku ah inuu sameeyo qoraal diiwaansan oo ku saabsan waxbarashada oo ay awood u leeyihin iney helaan labada dhinacba taasi oo ah wixii qoraal diiwaansan ee la ururiyey, la hayo, ama la isticmaaley ee hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka Daran (IDEA) ( marka laga reebo awood u yeelashada wax ogoaanshaha waalidka iyo qofka ka shaqeeya laanta oo ka socda laanta ka qeybqaataha), marka lagu daro magaca dhinaca wax ogaadey, taariikhda la siiyey awooda ogaanshaha, iyo ujeedada dhinacani lowgu ogolaadey iney isticmaalaan qoraalka diiwaansan. QORAALKA DIIWAANSAN EE KA BADAN HAL CUNUG 34 CFR §300.615 Hadii wax ala wixii ah qoraalka diiwaansan ee ku saabsan waxbarashada marka lagu daro warbixinta ka badan hal cunug, waalidku cunugyadaasi waxay xaq u leeyihiin iney baadhaan ama dib u hubiyaan kaliya warbixinta la xiriirta cunugooda ama lowgu sheegey warbixin khaas ah. LIISTADA NOOCA IYO MEELAHA WARBIXINTA 34 CFR §300.616 Sida la codsadey, laanta kasta oo ah kaqeybqaataha waxaa ku waajib ah inuu ku siiyo liisto ah meelaha iyo nooca qoraalka diiwaansan ee waxbarashada la ururiyey, la hayey ama ay isticmaashey laanta. LACAGTA AJUURADA 34 CFR §300.617 Laanta ka qeybqaataha kastaa laga yaabaa inuu kaa qaado lacag koobiga qoraalka diiwaansan ee laguu sameeyey taasi oo hoos timaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran ( IDEA), hadii lacagtu aaney kaa hor joogsaneynin xaqa aad u leedahay inaad sameyso baadhitaan iyo dib u hubinta qoraalkani diiwaansan. Laanta ka qeybqaatuhu laga yaabaa in aanuu kaa qaadin lacag raadinta ama dib u helida warbixinta taasi oo hoos timaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka laxaadka daran (IDEA). Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta SIXIDA QORAALKA DIIWAANSAN EE UU CODSADO WAALIDKU 11 34 CFR §300.618 Hadii aad aaminsan tahay warbixinta la uruiyey, la hayey, ee qoraalka diiwaansan ee cunugaaga waxbarashadiisa ku saabsan, ama la isticmaaley ee hoos timaada Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (IDEA) iney tahay mid aan sax ahayn, si qaldan loo adeegsadey, ama ku xadgudbaaya xuquuda kale ee cunugaaga, waxaad ka codsan kartaa laanta kaqeybqaataha ee heley warbixinta in ay bedelaan warbixinta. Laanta ka qeybqaataha waa ku waajib inuu go’aan ka gaadho hadii uu bedelayo warbixinta marka loo eego waqtiga aad codsatey hadii uu yahay mid macquul ah ee la heley codsigaaga. Hadii laanta ka qeybqaatuhu uu diido inuu bedelo warbixinta marka loo eego codsigaaga, waa waajib in laguu sheego diidmada oo lagugula taliyo inaad xaq u leedahay dhageysiga ujeedadani sida lagu sharxay cinwaanka hoos ku dhigan ee Furdada Dhageysiga. FURSADA DHAGEYSIGA 34 CFR §300.619 Laanta ka qeybqaataha waa ku waajib, sida loo codsadey, inuu ku siiyo fursada dhageysiga si looga taxadiro warbixinta qoraalka diiwaansan ee waxbarashada cunugaaga si loo hubiyo in aanuu qaldaneyn, siqaldan aan loo adeegan, ama hadii kale ku xad gudbaaya xuquuada kale ee cunugaaga. HABKA DHAGEYSIGA 34 CFR §300.621 Dhageysiga taxadirka warbixinta qoraalka diiwaansan ee waxbarashada waa waajib inuu ahaado mid u hogaansan Sharciga Xuquuqsa Waxbarashada Qoyska ee Gaarka ah (FERPA). NATIIJADA DHAGEYSIGA 34 CFR §300.620 Hadii sida ay tahay natiijada dhageysigu, laanta ka qeybqaatuhu uu go’aansado in warbixinta ay tahay mid aan sax ahayn, si qaldan loo adeegsadey ama hadii kale ku xad gudbaaya xauquuda kale ee cunuga, waa waajib in la bedelo warbixinta adigana qoraal lagugula socodsiiyo. 12 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Hadii sida ay tahay natiiijada dhageysigu, laanta ka qeybqaatuhu uu ogolaado in warbixintu ay tahay mid sax ah, aan loo adeegsan si qaldan, ama hadii kale aan ku xad gudbeynin xuquuqda kale ee cunugaaga, waa waajib in laguu sheego ood xaq u leedahay si aad meel u dhigtid qoraalka diiwaansan ee la hayo ee qoraalka sheegaya warbixinta ama aad keentid wixii sabab ah eed ku diidey go’aanka laanta ka qeybqaataha. Sida qeexinta la socota qoraalka diiwaansan ee cunugaaga waa waajib iney: 1. U hayso laanta ka qeybqaatahuhq eb ka mid ah cadeynta qoralka diiwaansan ee cunugaaga ilaa iyo inta uu qoraalka diiwaansani uu yahay ama qeybta ah loolanka uu sameeyey laanta ka qeybqaatuhu ; and 2. Hadii laanta ka qeybqaatuhu uu u sheego qoraalka diiwaansan ee cunugaaga dad kale ama qeybta taxadirka u baahan, waa waajib in loo sharaxo dadkaasi. OGOLAANSHAHA DAAH KA QAADIDA WARBIXINTA LAGU AQOONSAN KARO QOFKA 34 CFR §300.622 Jeeroo warbixintu ay ka kooban tahay qoraalka diiwaansan ee waxbarashada, iyo daah ka qaadida oo la ogol yahay ogolaanshaha waalidka la’aantii taasi oo hoos timaada Sharciga Xuquuqda Waxbarashada Qoyska ee Gaarka ah (Family Educational Rights and Privacy Act) (FERPA) ogolaanshahaaga waa in la helaa ka hor inta aan loo gudbinin waxyaalaha qof ahaan lagu garto dhinaca kale een ahayn mas’uulka laanta ka qeybqaatayaasha. Marka laga reebo marxalad lagu cadeeyey hoos, ogolaanshahaagu maaha mid loo baahan yahay ka hor marka qofka waxyaabaha qof ahaan lagu garan karo loo gudbiyo mas’uulka laanta ka qeybqaataha ujeedada oo ah iney waafaqdo waxyaabaha looga baahan yahay Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran(Part B of the IDEA). Ogolaanshahaaga, ama ogolaanshaha cunug u qalma ee ah da’da badnaa hoos timaada sharciga Gobolka, waa waajib in loo sheego ka hor inta aan loo gudbinin warbixinta qof ahaan lagu garan karo mas’uuliyiinta laanta ka qeybqaataha kuwaasi oo bixinaaya gargaarada mudada marxalada kala guurka. Hadii cunugaagu uu dhigto, ama uu u socdo iskuul ah kuwa shaqsiyaadku ay leeyihiin kaasi oo aan ku oolin iskuullada degmada aad degan tahay, waa waajib in la helo ogolaanshahaaga ka hor inta aaney mas’uuliyiinta iskuuulka degmada ee uu ku yaalo iskuulka ay leeyihiin shaqsiyaadku iyo iskuulka degmada aad degan tahay aaney isku gudbinin waxyaabahaha qof ahaan lagu garan karo cunugaaga. ILAALINTA 34 CFR §300.623 Laanta kastaba waxaa waajib ku ah inuu ilaaliyo warbixinta dahsoon ee ah waxyaabaha qofka lagu garan karo taasi oo ahayd warbixin la soo ururiyey, meel lagu hayey, daaha ka qaadid, iyo xaalada baab’intaaba . 13 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Waa waajib in loo xilsaarey mid ka mid ah mas’uuliyiinka laanta ka qeybqaatayaasha inuu mas’uul ka yahay inuu hubiyo iney aqoonsiga qofka lagu garan karaa ay yihiin qaar dahsoon. Dhamaanba dadka ururinaya ama isticmaalaya waxyaabaha qofka lagu garato waa iney dhamantood ay ahaadaan qaar loo tababarey ama raacaya habka ilaalinta waxyaabaha qofka u gaarka ah ee Gobolkaaga taasi oo hoos timaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran( Part B of the IDEA) iyo Sharciga Xuquuqda Waxbarashada Qoyska ee Gaarka ah (Family Education Rights and Privacy) (FERPA) Ka qeybqaate kastaaba waa waajib inuu hayo, baadhitaanka dadweynaha, liiska ugu danbeeyey ee magacyada iyo darajada shaqaalaha laanta kuwaasoo laga yaabo iney awood u leeyihiin ogaanshsha warbixinta aqoonsiga qofka. BAABI’INTA WARBIXINTA 34 CFR §300.624 Iskuulka degmadaada waxaa ku waajib ku ah inuu kula socodsiiyo markii la ururiyey warbixinta aqoonsiga qofka, la heley,ama aan loo baahneyen in loo isticmaalo siinta gargaarada waxbarashada ee cunugaaga. Warbixinta waxaa waajib ah in la baabi’iyo marka aad codsato in la baabi’iyo. Si kastaba ha ahaatee, qoraalka diiwaansan ee rasmiga ah ee cunugaaga magaciisa, cinwaankiisa, iyo lambarka teeleefanka, isaga/iyada buundooyinkiisa iskuulka, qoraalka diiwaansan ee xaadirinta, tagida fasalka, heerka buundooyinka uu dhameeyey, iyo sanadka la dhameeyey laga yaabaa in la helo iyada oon waqti la qabanin . Habka Dacwada Gobolka FARAQA U DHEXEEYA DHAGEYSIGA DACWADA NIDAAMKA XUQUUQ DHOWRISTA IYO HABKA DAWADA GOBOLKA Xeerka Qeybta B ee Sharciga Waxbarahada Shaqasiyaadka Laxadka daran( Part B of the IDEA) wuxuu hore u go’aamiyey habka kala saarida dacwada Gobolka iyo dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista. Sida hoos ku sharaxan, shaqsi kasta ama urur kasta waxaa laga rabaa iney xereeyaan dacwada Gobolka ee eedeynta ku xadgudubka wax walba oo la xiriira Qeybta B ee waxyaabaha looga baahan yahay iskuukka degmada, laanta Waxbarashada ee Gobolka, ama laan kale oo ka socda dadweynaha. Kaliya adiga ama iskuulka degmada ayaa xareyn kara dacwada xuquuq dhowrista ee ee wixii la xiriira qorsheynta ama diidmada bilaabida ama bedelida qaoonsiga qofka, qiimeynta, ana meeleynta waxbarashada ee cunuga laxaadka daran, ama la siiyo cunuga waxbarashada bilaashka ah ee ugu haboon ee dadweynaha (free appropriate puplic education (FAPE). Markii guud ahaan Laanta Shaqaalaha Waxbarashad ee Gobolku waajib tahay iney dib u xaliyaan dacwada Gobolka mudo dhan 60-maalmood mudada la qabtey, jeeroo mudada la qabtey la kordhiyo, iyo sarkaalka dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ee eexla’aantu waa waajib inuu goob joog ahaado dhageysiga dacwada nidaamka xuquuq dhowrista ( hadii aan lagu xalinin kulanka go’aan gaadhista ama habka dhexdhexaadinta) aan la gaadhin go’aan qoraal ah mudo dhan 45 -maalmood- ka dib maalinta ay dhamaato waqtiga go’aan gaadhida, sida lagu qeexey warqadani ee ku hoos dhigan 14 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta ciwaanka Mudada ay socoto Howsha Go’aan gaadhistu, jeeroo sarkaalka dhageysigu uu siiyo mudo dheereyn cayiman codsigaaga ama cosdiga iskuulka degmada. Dacwada Gobolku iyo dacwada nidaamka xuquuq dhowrista, go’aan gaadhista iyo habka dhageysigaba waxaa si buuxda lowgu qeexey hoos LA QABSIGA NIDAAMKA DACWADA GOBOLKA 34 CFR §300.151 Guud ahaan Mid kasta oo ka socda Laanta Waxbarahsada Gobolku waa waajib inuu haysto qoraalka habka: 1. G’aaminta dacwad kasta, marka lagu daro dacwada uu biixiyey urur ama shaqsiyaad ka yimidey Gobol kale; 2. Buuxinta dacwada ee Laanta Waxbarashada Gobolka; 3. Si balaadhan loo gaadhsiiyo habka dacwada Gobolka waalidka ama shaqsiyaadka kale ee xiiseynaya, marka lagu daro tababarida waalidka iyo goobta warbixinta iyo laamaha taageeraya, goobaha la degan yahay ee madaxa banaan, iyo wixii kale ee jira ee ugu haboon. Sixitanka gargaaro ku haboonaa o la diidey G’aan gaadhista Dacwada Gobolka taasi oo Laanta Waxbarashada Gobolku uu heley guuldareysi ah bixinta gargaarada waxbarashada, Laantaa Waxbarashada Gobolku waa waajib iney sheegaan : 1. Ku guuldareysiga bixinta gargaarada ugu haboon, marka lagu daro talaabo lagu saxaayo sheegitaanka baahida cunuga; iyo 2. Mustaqbalka oo la siiyo adeego ku haboon dhamaanba cunugyada qaba laxaad darada. HABKA UGU YAR EE NIDAAMKA DACWADA GOBOLKA 34 CFR §300.152 Waqti cayiman; habka ugu yar Laanta Waxbarashada Gobol ee kastaba waa ku waajib iney ku daraan habka dacwadooda Gobolka waqti cayiman oo ah 60 maalmoodka dib marka dacwada la xereeyey: 1. Fulinta ugu horeysa ee baadhitaanka madaxbanaanida ah, hadii Laanta Waxbarashada Gobolku ay go’aansadaan inuu baadhitaanku uu ahaa mid loo baahan yahay; 2. Siinta dacwoodaha fursad uu ku soo gudbiyo warbixin dheeraad ah, oo qoraal ah ama afka ah, taasoo ku saabsan eedeynta dacwadu ka kooban tahay; 3. Siiya iskuulka degmada ama laamaha kale fursad ay kaga jawaabaan dacwada, marka lagu daro ugu yaraan : (a) qeyb ka mid ah wakiilka, qorsheynta go’aanka dacwada; iyo (b) Fursada waalidka kuwaasoo xareeyey dacwada iyo wakiilka ku raacey inuu ka ahaado dhexdhexaadiye tabaruc ah; 4. Dib u hubinta dhamaanba waxyaabaha la xiriira iyo gaadhida go’aanka madaxa banaanida ah, hadii iskuulka degmada ama laantaa kale ee dadweynaha ay ku xad 15 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta gudbayaan waxyaabaha la iska rabo ee ka mid ka ah Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqaiyaadka Laxaadka daran ( Part B of the IDEA) iyo 5. La gaadho go’aan qoraal ah oo ku saabsan cabashada kaasoo sheegaya eedeyn kasta oo ka mid ah dacwada oo ka kooban: (a) helitaabka xaqiiqda iyo gabagabada ; iyo (b) Ujeedooyinka go’aanka kama danbeynta ah ee Laanta Waxbarashada Gobolka. Kordhinta waqtiga; go’aanka kama danbeynta ah; hirgalinta Laanta Waxbarashada ee Gobolka habkooda lagu sharxay kor waxaa kale oo waajib ku ah: 1. ogolaadaanshaha kordhinta mudada oo ah 60- maalmood waqtiga la cayimey oo kaliya hadii (a) ay jiraan marxalado ka reeban kuwaasi tixgalin ka mudan gaar ahaan dacwada Gobolka ; ama (b) waalidka iyo iskuulka degmada ama laan kale oo ka socta dadweynaha taasoo si tabaruc ah ugu raadey kordhinta waqtiga si arimaha go’aan looga gaadho iyada loo adeegsanayo dhexdhexaadin ama isbedel taasi oo mecneheedu yahay khilaaf ka yimaada go’aan la gaadhey . 2. Marka lagu daro habka saameyanaya hirgalinta go’aanka kama danbeysta ah ee Laanta Waxbarashada Gobolka, hadii loo baahdo, marka lagu daro: (a) dhaqdhaqaayada taageerada farsamada; (b) wadaxaajoonta; iyo (c) sixida talaabooyinka si loo helo dacwada. Dacwadaha godolka iyo dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista Hadii la helo qoraal ah dacwad kaasi oo hoos timaada dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista sida ku qeexan hoos Xereynta Dacwada Nidaamka Xuquuq Dhowrista, ama dacwada Gobolku ay ka kooban tahay arimo badan kuwaasoo mid ka mid ah in ka badan ay yihiin qeyb ka mid ah dhageysiga, Gobolku waa inuu dhinac u dhigaa cabashada Gobolka taasi oo lagu sheegey dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ilaa dhageysigu uu dhamaado. Arin kasta oo ah dacwada Gobolka een ka mid ahayn dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista waa waajib in laga gaadho go’aan iyada oo la isticmaalayo waqtiga la cayimey iyo habka lagu qeexay kor. Hadii arinka la soo oogey ee dacwada Gobolku uu ahaa mid markii hore lagu go’aansadey dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ee u dhexeeyey kooxo isku mid ah (adiga iyo iskuulka degmada), ka dib dhageysiga nidaamka xuquuqdu wuxuu ku xirnaanayaa arinkaasi Laanta Waxbarashada Gobolkuna waxaa ku waajib ah iney wargaliyaan qofka dacwoodey in go’aanku uu isku xidhan yahay. Dacwada lagu soo oogo iskuulka degmada ama laanta kale ee dadweynaha ee ku guuldareysta hargelinta dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista waa waajib iney go’aamiso Laanta Waxbarashada Gobolku. XEREYNTA DACWADA 34 CFR §300.153 Ururka ama shaqsiyaadka laga yaabaa iney xareeyaan dacwad Gobolka oo saxeexan taasoo hoos timaada habka kor lagu qeexay. Dacwada gobolka waa in lagu daraa: 1. Qoraalka uu iskuulka degmadu ama laanta kale ee dadweynuhu ay waxyeeleynta u gaysteen waxyaabaha looga baahan yahay ee Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran ( Part B of the IDEA) ama xeerarkiisa; 2. Xaqiiqada qoraalku uu ku saleysan yahay; Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 16 3. Saxeexa iyo warbixinta lagala xiriiri karo qofka dacwoodey; iyo 4. Hadii eedeynta waxyeeleyntu ay khuseyso hal cunug: (a) Macaga cunuga iyo cinwaanka uu cunugu degan yahay; (b) Macaga iskuulka uu cunugo dhigto; (c) Cunugu ama qofka dhalinyarta ah hadii aanuu lahayn hoy, halkii laga heli karo warbixinta cunuga ee lagala xiriiri karo, iyo macaga iskuulka uu cunugu dhigto; (d) Qeexdinta wixii dabiici ah ee cunuga dhib haysa, marka lagu daro xaqiiqda la xidhiidha dhibaatada; iyo (e) Go’aanka la qorsheeyey ee dhibaatada taasoo ilaa iyo xad sida la og yahay ay heli karaan dhinaca dacwada xereeyey isla waqtiga dacwada la xareeyey. Dacwadu waa waajib in lagu eedeeyo waxyeelo dhacdey mudo aan ka badneyn hal sano taasoo ah isla waqtia la heley dacwada sida ku qeexan cinwaanka Habka la Qabsiga Dacwada Gobolka. Dhinaca xereynaya dacwada Gobolka waxaa ku waajib ah iney u diraan koobi ah dacwada iskuulka degamada ama laanta kale ee dadweynahay ee gargaayaya cunuga waqtiga uu dhinacaasi ku xereeyo dacwada Laantaa Waxbarashada Gobolka. Habka Dacwada Nidaamka Xuquuq Dhowrista XEREYNTA DACWADA XUQUUQ DHOWRISTA 34 CFR §300.507 Guud ahaan Adiga ama iskuulka degmadu waad xereyn kartaan dacwada nidaanka xuquuq dhowrista ee wixii kasta ee la xiriira qorsheynta ama diidmada in la bilaabo bedelaada waxyaabaha lagu aqoonsan karo qofka, qiimeynta ama meeleynta waxarashada ee cunugaaga, ama in la siiyo waxbarashada bilaashka ah ee ugu haboon ee dadweynaha (free appropriate public education (FAPE)) oo cunugaaga la siiyo . Dacwada nidaanka xuquuq dhowrista waa waajib in lagu soo oogo dhibaatooyinka dhacay mudo aan ka badneyn laba sano ka hor inta adiga ama iskuulka degmadu aydaan ogaanin ama aad ogaan lahaydeen waxyaabaha ku saabsan talaabada eedeynta kaasoo suurto galinaya aasaaska dacwada nidaamka xuquuq dhowrista. Waqtiga kor lagu cayimey kuma saameyn doono hadii aanad xereynin dacwada xuquuq dhowrista waqtiga la cayimey sababta oo ah: 1. Iskuulka degmadu wuxuu si qaldan uga hadley in laga gaadhey go’aan arinka lagu xaqiijiyey dacwada; ama 2. Iskuulka degmadaadu aanuu ku siin warbixin taasi oo loo baahnaa in laguugu sheego Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran(Part B of the IDEA). Warbixinta lowgu talo gale waalidka Iskuulka degmada waxaa ku waajib ah inuu kuu sheego wixii bilaash ah ama lacag yar kugu kici doonta ee sharci fulinta ah iyo adeegyada kale ee la xiriira ee isla meeshaasi laga heli karo 17 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta hadii aad codsatey, ama hadii adiga ama iskuulka degmadu uu xereeyo dacwad nidaamka xuuquuq dhowrista NIDAAMKA XUQUUQ DHOWRISTA 34 CFR §300.508 Guud ahaan Si aad u codsato dhageysi, adiga ama iskuulka degmadu (ama qareenkaagu ama iskuulka degmada qareenkiisa) waxaa ku waajib ah iney u soo gudbiyaan dacwada nidaamka xuquuq dhowrista dadka dhinaca kale ka socda. Dacwadu waa iney ka koobnaataa dhamaanba waxyaabaha ku liisteysan hoos ahaataana mid dahsoon . Adiga ama iskuulka degmadu, kii kasta ee xereeyey dacwada, waxaa kale oo ku waajib ah inuu keeno Laanta Waxbarashada Gobolka oo ay la jirto koobi ah dacwada. Dacwadu ay ka kooban tahay Dacwada nidaanka xuquuq dhowrista waxaa waajib ah iney la socoto: 1. magaca cunuga; 2. Cinwaanka meesha uu cunugu ku nool yahay; 3. Macaga iskuulka cunugu uu dhigto 4. Hadii cunugu aanuu lahayn hoy uu ku nool yahay ama qofka dhalinyarta ahi, halkii laga heli karo warbixinta cunuga ee lagala xiriiri karo iyo magaca iskuuka u dhigto; 5. Qeexdinta wixii dabiici ah ee cunuga dhib haysa, ee la xidhiidha qorshaha ama diidmada talaabada, marka lagu daro xaqiiqda la xidhiidha dhibaatada; iyo 6. Go’aanka la qorsheeyey ee dhibaatada taasoo la kordhiyey sida la og yahay oo ay heli karaan adiga ama iskuulka degmada ee markaa. Ogeysiis ayaa la iska rabaa ka hor dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista Adiga ama iskuulka degmadu lagama yaabo inaad heshaan dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ilaa adiga ama iskuulka degmadu (ama qareenkaaga ama iskuulka degmada qareenkiisa), dacwada nidaamka xuquuq dhowrista ee la xereeyey oo ay la socoto warbixinta hoos ku dhigan. Cabashada oo faahfaahsan Si ay dacwadu nidaamka xuquuq dhowristu ay hore ugu socoto, waxaa waajib ah iney ahaato mid faahfaahsan ( ay biixiso waxyaabaha loo baahn yahay ee ogolaanshaha kor ku dhigan) ilaa dadka hal dhinaca ka socda ee helaaya dacwada nidaamka xuquuq dhowristu ( adiga ama iskuulka degmada) lagu wargaliyo qoraal mas’uulka dhageysiga iyo dadka ka socda dhinaca kale mudo ah 15 maalmood gudahood ee lagu heley dacwada, taasoo dadka dhinaca helayaa ay rumeysan yihiin in aanay dacwada nidaamka xuquuq dhowristu aaney buuxineynin waxyaabaha loo baahnaa ee ku liisteysan kor. Shan maalmood gudahood ee lagu helaayo wargalinta ee ay ku helayaan dhinaca helaaya (adiga ama iskuulka degmada) dacwada nidaamka xuquuq dhowrista hadii loo arko mid aan faahfaahsaneyn, sarkaalka dhageysiga ayaa gaadhi kara go’aan ah hadii dacwada nidaamka 18 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta xuquuq dhowristu ay buuxisey waxyaabihii looga baahnaa ee kor ku liisteysnaa, wuxuuna idiinku sheegi doonaa qoraal si deg-deg ah adiga iyo iskuulka degmadaba. Sixida dacwada Adiga iyo iskuulka degmadu kaliya waxaad wax ka bedeli kartaan dacwada hadii: 1. Dadka dhinaca kale ay idinku raaceen bedelka dacwada iyada oo qoraal la adeegsanayo lana siiyey ahmiyad go’aansasho oo ahdacwada nidaamka xuquuq dhowrida taasoo loo adeegsadey kulanka go’aan gaadhida, ee lagu qeexay hoos; ama 2. Lama ogola wax dhaafsan shan maalmood ka hor inta aanuu bilaabmin dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrist, sarkaalka dhageysiga ayaa bixin doona ruqsada bedelaada. Hadii dhinaca dacwoodayaashu (adiga ama iskuulka degmada) ay wax ka bedelaan dacwada nidaamka xuquuq dhowrista, mudada kulanka go’aan gaadhida( 15 maalmood gudahood ee lagu heley dacwada) iyo waqtiga go’aan gaadhista (30 maalmood gudahood ee lagu heley dacwada) taasi oo ka bilaabanta mar labaad taariikhda la xereeyey ee dacwada saxda ah. Laanta Waxbarashada Degaanka (LEA) ama jawaabta iskuulka degmada ee dacwada nidaanka xuquuq dhowrida Hadii iskuulka degmadu aanuu kuu soo dirin ogeysiis qoraal ah, sida ku qeexan cinwaanka Ogeysiis Qoran ee Mudnaanta leh, marka loo eego waxyaabaha ay ka kooban tahay dacwadaada nidaamka xuquuq dhowrista, iskuulka waxaa waajib ku ah 10 maalmood gudahood ee lagu heley dacwada nidaamka xuquuq dhowrista, iskuuku waa inuu kuu soo diraa jawaab ay la socoto: 1. Sharaxaad ah sababta iskuulka degmadu uu u qorsheeyey ama u diidey inuu qaado talaabo taasi oo oogi karta dacwada nidaamka xuquuq dhowrista; 2. Qeexid ku saabsan doorashooyinka kale ee cunugaaga u banana sida Xubinta Barnaamijka Waxarashada Shaqsiyaadka (individualezed education program)( IEP); 3. Qeexid ku saabsan habka qiimeynta kasta, xaalad, qoraalka diiwaansan, ama warbixinta uu isticmaaley iskuulka degmadu ee loo isticmaaley aasaaska la qorsheeyey ama talaabada la diidey; iyo 4. qeexid ku saabsan waxyaabaha kale ee la xiriira qorsheynta iskuulka degmada ama diidmada talaabada. Siinta warbixina waxyaabaha 1-4 ee kor ku dhigani ma hor istaagi karto iskuulka degmada inuu cadeeyo in dacwadaada nidaanka xuquuq dhowristu ay ahayd mid aan faahfaahsaneyn. Dadka dhinaca kale ka socda jawaabtooda dacwada nidaanka xuquuq dhowrista Marka laga reebo sida lagu sheegey cinwaanka farta yar yar ku dhigan ee ka koreeya,Laanta Waxbarashada ee Degaanka (LEA) ama jawaabta iskuulka degmada ee dacwada nidaamka xuquuq dhowrista, dhinaca helaaya dacwada nidaaamka xuquuq dhowrista waxaa ku waajib ah, isla 10 maalmood gudahood waa iney ugu diraan jawaabta si degdeg ah kuwa kale taasi oo si gaar ah uga hadleysa arinka dacwada. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta NOOCA DIIWAANKA 19 34 CFR §300.509 Laanta Waxbarashada Gobolkku waxay horumarineysaa nooca diiwaanka oo kaa caawin doona inaad xereysid dacwada nidaamka xuquuq dhowrista iyo dacwada Gobolka. Si kastaba ha ahaatee, lagaagama baahna inaad isticmaashid hada diiwaankani. Xaqiiqii waad isticmaali kartaa diiwaankani iyo noocyada kale ee ku haboonba, hadii uu diiwaanku yahay mid leh dhamaanba warbixinada laga rabo inaad xeryso ee dacwada nidaamka xuquuq dhowrista iyo dacwada Gobolk. Si aad u hesho nooca diiwaanka waxaad sameyn kartaa waxyaabaha soo socda: 1. Ka duub khadkan shabakada is gaadhsiinta- http://www.dese.mo.gov/divspeced/Complaint_System/index.htm 2. Soo wac Wasaarada Waxbarasha ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Missouri (573) 751-0602. DHEXDHEXAADINTA 34 CFR §300.506 Guud ahaan Laanta Waxbarashada Gobolku waa ku waajib iney suurto galiyaan in la heli karo dhexdhexaadin taasi oo idiin ogolaan doonta adiga iyo iskuulka inaad dib u xalisaan waxyaabaha aydaan isku waafaqsaneyn ee la xiriira arimaha hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA), marka lagu daro arimaha la soo oogey ee mudnaanta leh ee xereynta dacwada nidaamka xuquuq dhowrista. Hadii aad xereysey ama aanad xereynba dacwada nidaanka xuquuq dhowrista si aad u codsato dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista sida lagu qeexay cimwaanka Xereynta Dacwada Nidaamka Xuquuq Dhowrista. Waxyaabaha Loo baahan yahay Habka dhexdhexaadinta ee loo sii marayaayo waa in la hubiyo in: 1. Ma jiraa tabaruce dhinacaaga ka socda iyo dhinaca iskuulka; 2. Aan la isticmaalin in la diido ama la raajiyo xaq u yeelashadaada dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ama la diidey wixii kale eed xaq u leedahay ee hoos yimaada Sharciga Waxbashada Shaqsiyaadka ee Laxaadka daran(Part B of the IDEA); iyo 3. Uu ururiyey dhexdhexaadiye loo tababarey oo u qalma inuu hosha fuliyo kaasi oo sameynaya dhexdhexaadin wax ku ool ah. Si aad u codsato dhexdhexaadinta u soo qor codsi qoraal ah: Wasaarada Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose iyo Sare ee Missouri Waaxda Waxbarashada Gaarka ah/Qeybta u Hogaansamida PO Box 480 Jefferson City, MO 65102-0480 20 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta ISkuulka degmadu laga yaabaa iney horemariyaa habka siinaya waalidka iyo iskuulka doorashada ah in aaney isticmaalin dhexdhexaadinta, fursada kulanka, waqtiga iyo gooobta kuugu haboon adiga, kuwa ka socda dhinaca aan xiisaha u qabin: 1. Kuwaasoo ah mid hoos yimaada qandaraas ah go’aan gaadhista khilaafka ee ugu haboon ee jirta ama waalid loo tababarey iyo goobta warbixinta, ama goobta ilaha bulshada ee wallidka ee ku taala Gobolka; iyo 2. Kaasoo kuu sharxi doona faa’iidooyinka oo kugu dhiiri galin doona isticmaalka dhexdhexaadinta. Gobolka waxaa ku waajib ah inuu haysto liisto ah dadka u qalma ee aqoonta u leh garanayana sharciga iyo waajibaadka la xiriira qorsheynta waxbaradhada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira. Laaanta Waxbarashada Gobolka waxaa ku waajib ah inuu u xusho dhexdhexasdiyaha si aan kala xulasho lahayn, kaltan ah ama aan eexasho la’aan ah. Gobolku waa ka mas’uul kharashka ku baxa dhexdhexaadinta, marka lagu daro kharashka kulanada. Kulan kasta oo dhaca mudada dhexdhexaadinta waa waahib in loo sameeyo jadwal iyada oo lagu xisaabtamayo waqtiga iyo waa in lagu qabto meesha kuugu dhow adiga iyo iskuulka degmada. Hadii adiga iyo iskuulka degmadu aad dib u xalisaan khilaafka iyada oo la adeegsanaayo dhexdhexaadinta, labada dhinacba waa waajib iney galaan heshiis sharci ah kaasi oo hore logu go’aamiyeyey go’aan gaashista: 1. Waa in dhamaanba waxyaabaha la isla falanqeeyey mudadii dhexdhexaadinta ay ahaadaan qaar dahsoon oo aan loo isticmaalin cadeyn ah dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ee xiga ama talaabo sharci ah ee shacbiga ; iyo 2. Waa in labada dhinacba ay saxeexaan iyo wakiilka iskuulka degmada kaasoo haysta awood uu ku matalo iskuulka degmada . Qoraal, heshiis dhexdhexaadin oo saxeexan ayuunbaa hirgalin kara awooda maamulka wax xukumida ee dhameystiran ee maxkabada Gobolka Waxyaabaha la falanqeeyey mudada dhexdhexaadinta waa waajib iney ahaadaan qaar dahsoon. Looma isticmaali karo cadeyn wixii mushtaqbalka ah ee dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista iyo talaabada sharciga ee shacbiga ee ah maxkabada Dowlada sare ama maxkabada Gobolka ee Helitaanka caawimaadka Gobolka kaasi oo hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran(Part B of IDEA). Dhexdhexaadinta eexla’aanta ah Dhexdhexaadiyuhu: 1. Waa in aanuu ka ahayn shaqaale Laanta Waxbarashada Gobolka ama iskuulka degmada kaasi oo la xiriira waxbarashada ama daryeelka cunugaaga; iyo 2. Aanuu lahayn wax dan shaqsi ahaantiisa u gaar ah ama la xiriira shaqadiisa taasi oo ku keeni karta khilaaf dhexdhexaadintiisa. Qofka u qalma inuu ahaado dhexdhexaadiye waa in aanuu u shaqeynin iskuulka degmada ama Laanta Gobolka maxaa yeeley wuxuu isaga/iyada lacag ka qaataa wakiilka ama iskuulka degmada si uu ugu adeego dhexdhexaadiye ahaan. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta MEELEYNTA CUNUGA INTA AAN GO’AAN LAGA GAADHIN NIDAAMKA XUQUUQ DHOWRISTA IYO DHAGEYSIGA 21 34 CFR §300.518 Marka laga reebo sida ay ku dhigan tahay hoosta cinwaanka HABKA LA RAACO MARKA LA BARAYO EDEBTA CUNUGYADA LAXAADKA DARAN, marka dacwada nidaanka xuquuq dhowrista loo diro dadka dhinaca kale, mudada lagu jiro waqtiga go’aan gaadhista, iyo inta la sugaayo go’aanka kasta ee ka soo fulaya dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ama maxkabada talaabo sharciyeedka, jeeroo adiga iyo Gobolka ama iskuulka degmadu aad isku raacdaan hadii kale, cunugaagu waa waajib inuu dhigto isaga/iyada waxbarashada lagu meeleeyey ee uu dhigto imika. Hadii dacwada nidaanka xuquuq dhowristu ay la xiriirto cosdsiga bilowga ogolaanshaha isluulka u dhexeeya dadweynah, cunugaagu, marka loo eego ogolaanshahaaga waxaa waajib ah in lagu meelaayo barnaamijka iskuulka waxbarashada u dhexeysa dadweynaha ilaa la dhameystiro dhamaanba talaabooyinka sharciga ah. Hadii dacwada nidaamka xuquuq dhowristu ay la xiriirto codsiga bilowga adeegyada hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA) cunugaasi oo ah mid ku jira marxaladaha isbedelka adeegyada kala ah Qeybta C ee SHarciga Waxbarashada Shaqsiyadka Laxaadka daran (Part C IDEA) ilaa Qeybta B (IDEA) iyo kii aan u qalmi doonin adeegyada Qeybta C ee uu cunugu hore u heli jirey. Hadii cunuga la helo inuu u qalmo Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA) adiguna aad soo gudbisid ogolaanshahaaga cunuga si uu u helo waxbarashada gaar ah iyo adeegyada la xiriira oo ah markii ugu horeysey, ka dib, walina aan go’aan laga gaarin talaabada sharciga ee la gaadhi lahaa, iskuulka degmadu waxaa ku waajib ah inu siiyo cunuga waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira kuwaasi oon la isku khilaafsaneyn ( kuwa aad adiga iyo iskuulka degmadu aad isku raacsan tihiin). MUDADA AY SOCOTO HOWSHA GO’AAN GAADHISTU 34 CFR §300.510 Kulanada go’aan gaadhista Mudada ah 15 maalmood gudahood eed ku hesho dacwadaada nidaanka xuquuq dhowrist, iyo ka hor inta aaney bilaabmin dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista, iskuulka degmadu waxaa ku waajib ah iney kula yeeshaan kulan iyo cidii kale ee ku xiriirta ama cidii kale ee ka mid ah Xubinta Barnaamijka Wxbarashada Shaqsiyaadka (IEP) Kuwaasi oo u leh khibrad dheeraad ah xaqiijinta dacwadaada nidaamka xuquuq dhowrista. Kulanku: 1. Waa waajib inuu la socdo wakiil ka socda iskuulka degmada kaasi oo leh awood uu ku matali karo iskuulka degmada; iyo 2. Lagama yaabo inuu la socdo qareen ka socda iskuulka degmada jeeroo adigu aad soo raacisid qareen. Adia iyo iskuulka degmada ayaa go’aansan doona cidii ku xiriirta barnaamijka waxbarashada shaqsiyaadka (IEP) ee ka qeyb gali doonta kulanka. Ujeedada kulanku waa inaad adiga iyo iskuulka degmadu aad isla falanqeysaan dacwadaada nidaamka xuquuq dhowrista, iyo xaqiiqada ku saleysan dacwada, sidaa awgeed iskuulka degmadu wuxuu qabaa fursad uu dib ugu xalin karo is khilaafka. 22 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Kulanka go’aan gaadhista waa laga maarmi karaa hadii: 1. Adiga iyo iskuulka degmadu isku raacdaan qoraal sheegaya inaad ka noqoteen kulanka ama 2. Adiga iyo iskuulka degmadu isku raacdaan inaad isticmaashaan habka dhexdhexaadinta, sida lagu qeexay hoosta cinwaanka Dhexdhexaadinta. Mudada go’aan gaadhista Hadii iskuulka degmadu aanuu dib u go’aamin dacwada nidaamka xuquuq dhowrista sidii aad adigu ku qanacsan tahay mudo dhan 30 maalmood gudahood ee ay ku heleen dacwada nidaamka xuquuq dhowrista (inta ay socoto waqtiga go’aan gaadhistu), dhageysiga nidaamka xuquuq dhowristu laga yaabaa iney dhacdo. Mudada la qabtey oo ah 45 -maalmood in lagu gaaro go’aanka kama danbeynta ah taasi oo waqtigeeda ay dhamaanayaa ka bilaabmi doonto 30 -maalmood ee ah mudada la gaadhey go’aanka, iyada oo ay jiraan waxyaabo gaar ah oo ka reebey in lagu beego waqtiga la cayimey ee 30- malmood, sida hoos ku qeexan awgeed. Marka laga reebo meesha aad adiga iyo iskuulka degmadu aad labadiinuba isku raacdeen ka noqoshada go’aan gaadhida ama isticmaalka dhexdhexaadinta, ku guuldareysigaaga kaqeybqaadashada kulanka waxay dib u dhigi doontaa waqtiga loo qabtey go’aan gaadhista iyo dhageysiga dacwada nidaamka xuquuq dhowrista ilaa aad ku raacdo inaad ka qeybqaadato kulanka. Hadii ka dib marka la sameeyo dadaal iyo ku cadeyn qoraal rasmi ah, iskuulka degmadu aanuu helin inaad ka qeybgashey kulanka go’aan gaadhista, iskuulka degmadu laga yaabaa inuu, dhamaadka 30 maalmood ee mudada la qabtey, uu codsado in sarkaalku joojiyo dhageysiga dacwadaadu nidaamka xuquuq dhowrista. Dadaalka qoraalka rasmiga ah marka lagu daro qoraalka diiwaansan ee ah inuu iskuulka degmadu uu isku dayey inuu habeeyey heshiis labda dhinaba ah oo leh waqti iyo meel, sida: 1. Qoraal faahfaahsan ood ku haysid teleefanadii la isticmaalyama la isku dayey iyo natiijada telefoonadaasi; 2. Koobiyo ah waraaqihii lagu wad xiriirey ee llaguu soo direy iyo wixii jawaabo aad heshey; iyo 3. Qoraal faahfaahsan oo ah wixii booqasho gurigaaga lagu sameeyey ama goobta shaqada iyo natiijada booqashooyinaasi. Hadii iskuulka degmadu uu ku guuldareysto inuu qabto kulanka go’aan gaadhista mudo ah 15 maalmood gudahood oo uu ku heley dacwadaada nidamka xuquuq dhowrista ama ku guuldareysto inuu ka qeybqaato kulanka go’aan gaadhista, waad weydiin kartaa sarkaalka dhageysi inuu amar ku bixiyo iney bilaabantey 45- maalmood ee waqtiga dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista. Isku aadinta 30 maalmood oo ah waqtiga go’aan gaadhista Hadii adiga iyo iskuulka degmadu aad isku raacdaan inaad ka noqotaan kulanka go’aan gaadhista, ka dibna 45- maalmood waqtiga la qabtey ee dhageysiga nidaanka xuquuq dhowristu ay bilaabmeyso maalinta xigta. Ka dib marka ay bilaabanto dhexdhexaadintu ama go’aan gaadhista taasi oo ah ka hor dhamaadka 30 -maalmood ee waqtiga go’aan gaadhista, hadii adiga iyo iskuulka degmadu aad isku raacsan tihiin qoraal ah inaan heshiisku ahayn mid suurto gal ah, ka dib waqtiga la qabtey Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 23 ee 45 maalmood ee dhageysiga nidaanka xuquuq dhowristu wuxuu bilaabmi doonaa maalinta xigta. Hadii adiga iyo iskuulka degmadu aad isku raacsan tihiin inaad isticmaashaan dhexdhexaadinta, dhamaadka 30 maalmood ee mudada go’aan gaadhista, dadka ka socda labada dhinacba waxay sameyn karaan heshiis qoraal ah oo ay ku sii wadaan dhexdhexaadinta ilaa heshiis adag la isla gaadho. Si kastaba ha ahatee, hadii adiga ama iskuulka degmadu uu dib uga noqdo dhexdhexaadinta, ka dib 45 maalmood ee mudada la qabtey dhageysiga nidaamka xuquuq dhowristu waxay bilaabmi doontaa maalinta xigta. Heshiiska la isku raacey oo qoraal ah Hadii go’aan gaadhista is khilalfku ay gaadho heerka dhexdhexaadinta, adiga iyo iskuulka degmadu waxaa idinku waajib ah inaad wada gashaan heshiis sharci ah: 1. Waa in aad saxeexdid adiga iyo qofka u ah wakiilka iskuulka degmada kaasi oo haysta awood sharci ah; iyo 2. Hirgalinta kasta oo ah awooda maamulka xukunka ee maxkabada Gobolka( Maxkabada Gobolka kaasi oo haysta awood uu ku dhageysto kiiska noocani ah) ama maxkabada degmada Wadanka Mareykanka ama Laantaa Waxbarashada Gobolka, hadii uu Gobolkaagu haysto hanaan ah hab ogolaaneysa labada dhinacba sabab u hirgalin karta go’aan gaadhista heshiiska. Hubinta mudada heshiiska Hadii adiga iyo iskuulka degmadu aad wada gashaan heshiis sababta kulanka go’aangaadhista awgeed labada dhinacba( adiga iyo iskuulka degmada) waa laa yaabaa inaad joojisaan heshiiska mudo ah 3 maalmood gudahood oo ah maalmaha la shaqeeyo taasi oo ah isla waqtiga aad adiga iyo iskuulka degmadu aad saxeexdeen heshiiska. Dhageysiga Dacwada Nidaamka Xuquuq Dhowrista DACWADA NIDAAMKA XUQUUQ DHOWRISTA AAN EEXDA LAHAYN 34 CFR §300.511 Guud ahaan Mar kasta oo dacwada nidaamka xuquuq dhowrista la xereeyo, adiga ama iskuulka degmada midkiin khilaaf ku yimaado waa waajib inuu midkaasi u helo fursad ah dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ee aan eexda lahayn kaasi oo lagu qeexey qeybta Dacwada nidaamka xuquuq dhowrista iyo Go’aan gaadhhista. Qoraal codsi ah oo lagu codsanayo dhageysiga dacwada nidaanka xuquuq dhowrista ayaa waajib ah in loo diro Wasaarada Waxbarashada Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Missouri, iyo waa in loo diro koobi laanta taasi oo aad ku soo oogtey hosha eedeynta. 24 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Wasaarada cinwaanka lowgu soo dirayaa waa: MODESE Taxadir: Qeybta Dacwadaha/Waxbarashada Gaarka ah PO Box 480 Jefferson City, MO 65102 Fax: (573) 526-4404 Sarkaalka dhageysiga aan eexda lahayn Ugu yaraan, sarkaalka dhageysiga: 1. Waa waajib in aanuu ahayn shaqaalaha laanta Waxbarashada Gobolka ama iskuulka degmada kaasi la xiriira waxbarashada ama daryeelka cunuga. Si kastaba ha ahaatee, qofka waa in aanuu ka ahayn shaqaale laanta maxaa yeeley waxaa isga/iyada lacag siiyeye wakiilka si u fuliyo howsha dhageysiga ; 2. Waa waajib in aanuu lahayn wax xiise gaar ah oo qof ahaaneed ama la xiiriirta shaqadiisa waayo waxay khilaaf ku keeni kartaa ujeedooyinka sarkaalnimo ee dhageysiga; 3. Waa waajib inuu u lahaado aqoon fahamsan yahayna qorshaha Sharicga Waxbarashada Shaqsiyaadka laxaadka daran (IDEA), iyo Dowlada dhexe iyo Gobolka xeerka la xiriira IDEA, iyo ka turjumaada sharciga IDEA ee Dowlada dhexe iyo maxkabada Gobolka; iyo 4. Waa waajib inuu aqoon iyo awood u lahaado ururinta dhageysiga, iyo inuu sameeyo oo uu qoro go’aanada, sida ugu haboon oo joogto ah, adeegsanayana sharciga hada la isticmaalo. ISkuul kasta o degmada ah waa ku waajib iney haystaan liisto dhamaanba dadka qabtey hosha dhageysiga taasi oo lagu darey qoraal ah cadeynta aqoontooda sarkaal kasta oo fuliyey dhageysiga. Waxyaabaha khuseeya habka dhageysiga Dhinaca( adiga ama iskuulka degmada) ee codsadey dhageysiga lagama yaabo iney soo oogaan arin kale kaasi oo aaney ku sheegin dacwada nidaamka xuquuq dhowrista, jeeroo kuwa dhinaca kale ay ku raacsan yihiin. Waqtiga loo qabtey dhageysiga codsiga Adiga ama iskuulka degmada waxaa ku waajib ah inaad codsataan dhageysiga dacwada nidaamka xuquuq dhowrista mudo ah laba sano gudahod oo ah taariikhda aad ogaatey ama iskuulka degmadu uu ogaadey ama ay ku habooneyd inaad ogaataan arimaha lagu sheegey dacwada. Wayaabaha ka reeban waqti qabashada Waqti qabashada kor ku xusan kuma khuseyso hadii aad xereyn kari weydey dacwada xuquuq dhowrista sababta oo ah: 1. Iskuulka degmada ayaa si qaldan kuugu sheegey oo ku yidhi waa la xaliyey dhibatadii ama arinkii aad ku cadeysey dacwadaada; ama 25 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 2. Iskuulka degmada ayaa ku siinin warbixin aad u baahneyd oo la rebey inaad hesho taasi oo hoos timaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyadka Laxaadka daran(Part of the IDEA). XAQA AAD U LEEDAHAY DHAGEYSIGA 34 CFR §300.512 Guud ahaan Dhinac kasta oo ay khuseyso dhageysiga nidaamka xuquuq dhowristu ( marka lagu daro dhagesiga la xiriira habka edbiyaha) wuxuu xaq u leeyahay: 1. Inuu la socdo oo uu la taliyo qareen iyo/ama qof u leh aqoon gaar ah ama loo tababarey marka loo eego dhibaatooyinka cunugyada laxadka daran; 2. Keeno cadeyn iyo wajihid, su’aalo weydiin si loo hubiyo inuu run sheegayo, iyo iney joogaan markhaatiyada loo baahan yahay ; 3. Waa nadnuuc in la soo bandhigo dhageysi kaasi oo aan loo sii sheegin dadka dhinaca kale ugu yaraan shan maalmood ka hor dhageysiga oo ah ayamaaha la shaqeeyo; 4. Inaad ku heshid qoraal, ama wixii aad doorato, qalabka ku shaqeeya elektariga sida kambiyuutarka, dhageysiga oo laguu duubo erey-erey; iyo 5. Inaad ku heshid qoraal, ama wixii aad doorato, macluumaadka laga heli karo kambiyuutarka ee ku saabsan cadeynta iyo go’aanada. Warbixinta oo ay raacdo daah ka qaadid Ugu yaraan shan maalmood oo ah ayaamaha la shaqeeyo ee mudnaanta dhageysiga nidamka xuquuq dhowrista, adiga iyo iskuulka degmadu waxaa waajib idinku ah inaad isku sheegtaan dhamaanba wixii qiimeyn ah ee la dhameys tirey taariikhdaasi iyo wixii la idinku waajib yeeley ee ku saleysan qiimeyntaasi ee adiga iyo iskuulka degmadu aad rabtaan inaad isticmaashaan dhageysiga. Sarkaalka dhageysigu wuu ka hor joogsan karaa dhinaca kasta ee ku guuldareysta iney keenaan waxyaalaha looga baahan yahay ee la xiriira qiimeynta ee lagu oofinayo dhageysiga iyada oon laga sugin ogolaansho dhinaca kale. Xaqa uu waalidku leehaya marka dhageysiga Waa waajib in xaq laguu siiyo: 1. Inuu cunugaagu kula joogo; 2. U furtid dhageysiga dadweynaha; iyo 3. Ka haysatid dhageysiga qoraal diiwaansan, helitaanka natiijada xaqiiqada iyo go’aanada oo aan adiga kuugu fadhiyin wax kharash ah. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta DHAGEYSIGA GO’AANADA 26 34 CFR §300.513 Go’aanada sarkaalka dhageysiga G’aanka sarkaalka dhageysiga hadii uu cunugaagu helaayo waxbarashada bilaasha ah ee ugu haboon ee dadweynaha (free appropriate public education)( FAPE) waxaa waajib ah in ay ku saleysnaato cadeyno adag. Xaqiiqada la xiriirta habka ku soo oogida dhibaato u geysashada, waxaa laga yaabaa in sarkaalka dhageysigu uu ogaado in aanuu cunugaagu helin (FAPE) kaliya hadii midkaasi ahayn mid kaafiyi kara: 1. Farogalinaya xaqa uu leeyahay cunugaagu ee waxbarashada bilaashka ah ee ugu haboon ee dadweynaha( free appropriate public education)(FAPE); 2. Farogalintaasi waxay ahmiyad weyn ku yeelaneysaa fursadaada ka qeybgalka go’aan sameynta marka loo eego qorshaha waxbrashada bilaashka ah ee ugu haboon ee dadweynaha(FAPE); ama 3. Keeni karta in laga maanaco faa’iidooyinka waxbarashada. Dhismaha qodobka sharciga Qorshayaasha aan kor ku qeexney midna looma turjuman karo iney kaa hor joogsan karaan dhageysiga sarkaalka ee uu codsado iskuulka degmada si loo adeeco waxyaabaha la iskaga baahan yahay ee habka ilaalinta qeybta xeerka Dowlada dhexe kaasi oo hoos yimaaaQeybta B Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran Part B of the IDEA (34 CFR §§300.500 ilaa 300.536). Codsiga kala saarida ee dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista Ma jirtaan wax ah habka ilaalinta ee qeybta xeerka Dowlada dhexe oo hoos yimaada Qeybta B ee sharciga waxbarashada shaqsiyaadka laxaadkadaran (IDEA) (34 CFR §§300.500 ilaa 300.536) kaasi oo loo turjuman karo inuu kaa joojin karo inaad kala saartid xereynta dacwada nidaamka xuquuq dhowrista iyo kala saarida arinka dacwada nidaamka xuquuq dhowrista oo hore u xareysneyd. Natiijada iyo go’aanada ka soo baxa gudida talada iyo guud ahaan dadweynaha Laanta Waxbarashada Gobolka ama iskuulka degmada(kii kasta ee ka mas’uul ah dhageysigaaga) ka dib marka la tirtiro warbixin kasta oo haysa waxyaabaha qofka lagu aqoonsan karo, waxaa waajib ah: 1. In la keeno natiijada iyo go’aanada ka soo baxay dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista ama racfaanka Gobolka ee gudida talada waxbarashada gaarka ah ; iyo 2. Laga dhigo natiijooyinka iyo go’aanada ka soo baxa qaar ay heli karaan dadweynuhu. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 27 Racfaanka G’AANKA KAMA DANBEYNTA AH; RACFAANKA; DIB U HUBINTA EEXDA LAHAYN 34 CFR §300.514 G’aanka kama danbeynta ah ee dhageysiga Go’aan lagu gaadhey dhageysiga nidanka xuquuq dhowrista ( marka lagu daro dhageysi la xiriira habka edbinta) waa kama danbeyn, marka laga reebo dhinacyada ay khuseyso dhageysigu( adiga iyo iskuulka degmada) waa ka qaadan kartaan racfaan go’aanka iyadoo aad keeneysaan talaabo sharci ee shacabka sida lagu qeexay hoos. MUDADA AY QAADANEYSO IYO DHAGEYSIGA DIB U HUBINTA UGU HABOON 34 CFR §300.515 Laanta Waxbarashada Gobolka waa waajib inuu hubiyo in aaney ka danbeynin 45 maalmood ka dib waqtiga ay dhamaaneyso ee 30 maalmood mudada kulanka go’aan gaadhista ama, sida lagu qeexay hoosta cinwaanka yare e Isku hagaajinta 30 –maalmood ee mudada go’aan gaadhista , kama danbeyn karto 45 maalmood ka dib marka uu dhamaato waqtiga isku hagaajintu: 1. Go’aanka kama danbeynta ah waxaa lagu gaadhey dhageysiga; iyo 2. Koobi ah go’aanka la gaadhey ayaa loo diri doonaa dhamaan dadka ka kala socda dhinacyada. Sarkaalka dhageysigu laga yaabaa imuu siiyo dheereyn cayiman waqtig kaasi oo dhaafsiisan 45-maalmood ee waqtiga lagu qeexay kor sida ay codsadaan labada dhinac midkood. Dhageysi kastaaba waa waajib in la ururiyo isla waqtiga iyo meesha kaasi oo macquul ah kuna haboon adiga iyo cunugaaga. TALAABADA SHARICGA RAYIDKA, MARKA LAGU DARO WAQTIGA LAGU XEREEYEY TALAABADAASI 34 CFR §300.516 Guud ahaan Dhinac kasta (adiga iyo iskuulka degmada) kaasi oon ku raacsaneyn natiijada iyo go’aanada ka soo baxa dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrist ( marka lagu daro habka la xiriira edbinta) waxay leedahay xaq lagu keeni karo talaabada sharciga rayidka kaasi oo tixgalinaya arinka lagaga hadley dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista. Laga 28 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta yaabaa in talaabadaa sharciga la keeno maxkabada Gobolka ee leh awooda iyo xirfada wax lagu xukumo ( Maxkabada Gobolka taasi oo awood u leh dhageysiga kiiska noocani oo kale ah) ama maxkabada degmada ee Wadanka mareykanka iyadoon loo tixgalinin inta uu le’eg yahay khilaafku. Waqtiga oo la cayimey Dhinaca (adiga ama iskuulka degmada) waa in lagu keenaa talaabada sharciga mudo ah 45 -maalmood laga bilaabo taariikhda go’aanka dhageysiga sarkaalka si loo xereeyo talaabada sharciga rayidka. Habka kale ee dheeraadka ah Talaabada sharciga rayidka ee kastaaba, maxkabadu: 1. Waa in ay heshaa qoraalka diiwaansan ee maamulka qaadaya talaabada sharciga ; 2. Waa in la dhageystaa cadeymo kale oo dheeraad ah oo codsigaaga ah ama codsiga iskuulka; iyo 3. Ku saleeya go’aanada cadaymaha mid kood inuu cadayn ahaan run yahay taasi oo maxkamada siinaysa inay garato oo go’aamiso wixii ku haboon. Awooda wax xukumida ee maxkabada degmada Maxkabada degmada ee Wadanka Mareykanku waxay awood u leedahay in ay ku xukunto talaabooyinka loo keeno ee hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran ( Part B of the IDEA) iyadoon loo tixgalinin inta uu le’eg yahay khilaafku. Dhismaha xukunka Ma jiraan wax xadeyn kara ama yareynaya xaqa uu qofku leeyahay ee Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (Part B of the IDEA) ama habka iyo sixitaanada la heli karo ee hoos yimaada Dastuurka. Maraykanka, Shariciga Mareykanka ee Laxaad darida, qodobka V ee Sharciga Dib U dhiska( qeybta 504), ama qaanuun kale ee Dowlada Dhexe kuwaasi oo ilaalinaya xuquuqda ay leeyihiin cunugyada laxaadka daran, marka laga reebo ka hor inta aan la xereynin talaabada sharciga rayidka ee hoos timaada qaanuunada ee raadinaya gargaar kaasi oo laga heli karo wixii hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka laxaadka daran (Part B of the IDEA), habka nidaamka xuquuq dhowrista ee kor lagu qeexay waa waajib in la raaciyo nidaamka sharciga lagu qeexay kor waa in laga sal gaadhaa ilaa heerka looga baahan karo hadii kuwa xareeyey talaabada sharciga ee hoos timaada qeybta B ee Waxbarashada Shaqsiyaadka laxaadka daran (IDEA). Taasi micnaheedu waxa weeyi inaad heli karto xal aad ka heli kartid qawaaniinta kale ee huwan kuwa kale ee hoos yimaada IDEA, laakiin guud ahaan si aad gargaar uga heshid qawaaniintani kale waa inaad marka hore isticmaashaa wixii maamul ahaan xal ah ee hoos yimaada IDEA (tusaale ahaan, raacaya nidaamka xuquuq dhowrista dacwada, kulanka go’aangaadhista, iyo nidaamka xuquuq dhowrista ee aan dhinacna u eexanayn marka la marayo nidaamka xuquuq dhowrista dhagaysiga) ka hor intaad maxkamad toos loo tagin. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta LACAGTA QAREENKA 29 34 CFR §300.517 Guud ahaan Wixii kasta ee ah talaabo sharci ama howl sharci oo la qabanayo ee hoos yimaada Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran ( part B of the IDEA), hadii aad ku guuleysatid, maxkabadu, waxay ikhtiyaar u leedahay inay ugu siiso qareenka lacag macquula taasi oo ah inay noqoto inaad adigu badh ahaan bixisid. Wixii kasta ee talaabo sharciya ama nidaama ee la hoos keeno Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (IDEA) waxa laga yaabaa inay maxkamadu ikhtiyaar u leedahay inay siiso qareenka lacag taasi oo qayb ahaan ka mida kharashka taasi oo ka timid Laanta Waxbarashada Gobolka ama degmada iskuulka taasi oo uu bixinayo qareenkaagu, waa hadii uu qareenku: (a) xareeyey dacwad ama kiis maxkamadeed taasi oo maxkamadu u aragtay in la dhayalsaday. Aan macquul ahayn ama aan la hayn wax aas aasa; ama (b) sii wata is qabadka taasi oo iska cad in la dhayalsaday, aan macquul ahayn, ama aas aas lahayn; ama Wixii kasta ee talaabo sharciya ee la hoos keeno Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (IDEA) waxa laga yaabaa inay maxkamadu ikhtiyaar u leedahay inay siiso qareenka lacag taasi oo qayb ahaan ka mida kharashka taasi oo ka timid Laanta Waxbarashada Gobolka ama degmada iskuulka taasi oo uu bixinayo qareenkaagu taasi oo aad adigu bixinaysid ama qareenkaagu, hadii dhagaysiga codsigaaga nidaamka xuquud dhowristu ama kiis maxkamadeed oo kale la soo bandhigay oo ah wixii kasta ee aan u jeedo haboon ahayn sida, fadeexadayn si ay udhacdo baajin aan loo baahnayn ama iyada oo aan loo baahnayn kordhiya kharashka nidaamka dacwada. Lacagta Abaal marinta Maxkabadu waxay u qorsheysaa abaal marinta lacagta qareenka sida hoos ku qeexan: 1. Lacagta la qaadayo waa iney ku saleysnaato qiimaha deegaanka ka jira ee dacwada ama dhagaysigu ka yimid marka loo eego noocay dacwadu tahay iyo adeegyadeedu qiimahay ay lahayd. Ma jirto wax guno ah ama kordhin lacageed oo dheeraad ah oo la isticmaali doono qiimaynta lacagta abaalmarinta. 2. Lagama yaabo in lacag lagu abaal mariyo lagamana yaabo in laguu soo celiyo wixii kharasha ee la xidhiidha talaabooyinka sharciga ama nidaama ee hoos yimaada Qeybta B ee IDEA kuwaasi oo lagu bixiyey adeegyada la sameeyey markii lagu siiyey xal qaadasho qoraal ah waa hadii : a. Waa hadii lagu siiyey xiliga loogu talo galay ee ku qoran qaanuunka 68 ee Qawaaniinta Nidaamka Madaniga ama marka ay timaado dhagaysiga nidaamka xuquuq dhowrista ama ay timaado dib u eegid ka socota heer gobol, isla xili kasta 10 cisho gudahood maalmaha taariikhda intaanay bilaamin dacwad qaadidu. ; b. Waa hadii siintaasi lagu siiyey ku ogolaatid isla 10 oo kamida maalmaha taarikhda; iyo c. Waa hadii maxkamadu sarkaalka maamulka dhagaysiga uu soo ogaado gargaarkii aad ugu dambayn heshay aanu ahayn mid aan adiga kuu fiicnayn marka loo eego xal qaadashadii lagu siiyey. Wixii ka sokeeya xadaynta , lacagta abaal marinta iyo wixii kharasha ee la xidhiihda waxa laga yaabaa in lagu siiyo hadii aad ku guulaysato adiguna aad si buuxda u cadaysay diidmada siinta xal qaadashada Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 30 3. Lagama yaabo in la siiyo abaal marin wixii la xidhiihda kulan ku saabsan Xubinta Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyaadka (IEP) waa hadii aan shirka la qaban maamulka dhagaysiga ama dacwada maxkamada daraadood. Shirka xal u helida oo lagu sharaxay inta hoos timaada Kulanla Go’aan gaadhista looma haysto inuu yahay kulan ku yimid maamulka dhaygaysiga ama dacwada maxkamada daraadood, waxa kale oo aan loo haysan inaanu ahayn maamul dhagaysi ama dacwad maxkamadeed iyada oo loola jeedo lacagta la siinayo qareenka: Maxmakadu sida ugu haboon ayey u dhimeysaa inta lacaga ee lagu abaal marin karo qareenka marka la hoos keeno Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqsiyaadka Laxaadka daran (IDEA) waa hadii maxkamadu intaasi garato: 1. Adiga ama qareenkaagu, inta ay dacwadu socoto si aan macquul ahayna loo habsaamiyo xalka ugu dambeeya ee is qabadka; 2. Lacagta qareenka la siinayo ee la ogol yahay waxay dhaafsiisan tahay lacagta saacad ahaan laga bixiyo bulshada marka loo eeego adeegyada ay bixiyaan qareenada kale ee la xirfada ah, isku sumacada, iyo waayo araga; 3. Xiliga kaga baxay iyo adeegyada sharciga ee la bixiyey oo aad u badnaa marka loo eego dacwada ama talaabooyinka sharciga; ama 4. Qareenka kaa wakiila ahi muusiini iskuulka degmada warbixin ku haboon ogaysiisa codsiga wakhtigii loogu talo galay ee hoos yimaada Nidaamka xuquuq dhowrista. Si kastaba ha ahaatee, lagama yaabo iney maxkabadu ay dhinto lacagta hadii ay maxkabadu hesho in Gobolku ama iskuulka degmadu uu si aan macquul ahayn u habsaamiyey go’aan gaadhista kama danbeysta ah ee talaabada sharciga ama talaabo sharci qaadida ama waxaa jirey xadgudub kaasi oo hoos yimaada qorshaha habka ilaalinta ee Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shaqiyaadka laxaadka daran (Part B of the IDEA). Habka la Raaco Marka Edebta la Barayo Cunugyada Laxaadka daran AWOODA AY LEEYIHIIN KUWA KA SHAQEEYA ISKUULKA 34 CFR §300.530 Go’aaminta kiis- ilaa kiis Shaqaalaha iskuulku waxa laga yaabaa inay eegaan marxalado gaara oo ay ku ogaanaayaan qof marka la doonayo in la ogaado in la badalo meelaynta taasi oo loo tixraacayo shuruudaha soo socda ee la xidhiidha edbinta ku haboon cunuga laxaadka daran ee jebiya xeerka u yaala akhlaaqda iskuulka. Guud ahaan Heerka ay talaabada ka qaadayaan cunugaha aan laxaadka la’ayn shaqaalaha iskuulku waxa laga yaabaa inaanay 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka wixii ka badan oo isku xigga aanay ka cayrinin cunuga la xaadka daran kaasi oo jabiyey xeerka akhlaaqada ardayga isaga oo ku sugan meesha isagu ama iyada meeleeyey lana geeyo meesha ku 31 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta haboon ee waxbarashada ku meel gaadhka ah taasi oo ay go’aamiyeen cunuga xubinta u qaabilsan Barnaamijka waxbarashada shakhsiyaadka(IEP) ama meel kale ama in laga joojiyo. Shaqaalaha iskuulku waxa laga yaabaa inay inay saaraan waxyaabo kale oo dheeraada oo lagu eryayo cunuga in aan ka badnayn 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka isku xigga oo ah sanad dugsiyeedka iyada oo loo eegayo dhacdooyinka akhlaaq xumida ilaa uu erigaas aanu noqonayn mid lagu badalo meelaynta ilmaha. (waxaad tixraacdaa Badalida Meelaynta iyo cayrinta Akhlaaq xumida awgeed hadii aad ubahaan tahay sharaxaad dheeraada eeg hoos) Marka cunuga laxaadka daran isaga ama iyada laga eryo meesha meelaynta in ka badan 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka isla sanad dugsiyeedkaasi gudihiis, waa In iskuulka degmadu, isla wakhtiyada ku xigga ee dambe isla sanad dugsiyeedkaasi waa inay bixiyaan adeegyada ilaa heerka laga doonayo markaad eegtid mawduuca hoos imanaya Adeegyada. Awood Dheeraada Hadii akhlaaqda ardayga lagu xad gudubay aanay ahayn mid si cad uga timid laxaad darida (Tixraac Cadaymaha go’aansashada, xagga hoose eeg) iyada oo la badalyo meelaynta edbinta iyada oo aan ka badnaanayn 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka oo is xigga, shaqaalaha iskuulku waxay cunugaas u adeegsan karaan habka edbina cunuga laxaadka daran sida loogu sameeyo iyo wakhti ahaan inta lagu sameeyo cunug aan laxaad la’ayn, marka laga reebo inuu iskuulkaasi inuu siiyo adeegyo hoos lagu qeexay ee hoos yimaada Adeegyada. Xubinta Barnaamjka Waxbarashada Shakhsiyaadka (IEP) cunuga ayaa go’aaminaysa meesha ku haboon ee waxbarashada ku meel gaadhka Adeegyada Adeegyada ah in cunuga laxaadka daran la siiyo ee laga saaray meesha meelaynta cunuga waxa laga yaa baa in la siiyo meesha waxbarashada ku meel gaadhka ah. Degmada iskuulka waxa kaliya oo laga doonayaa inuu siiyo cunuga laxaad daran ee laga saaray meesha meelaynta imika mudo In ka Yar 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka oo ah sanad dugsiyeedkaasi, waa hadii ay siiyaan adeegyada cunuga aan laxaadka darnayn oo sidoo kale la eryey. Cunuga laxaadka daran ee laga eryey meesha meelaynta imika in ka badan 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka waa inuu: 1. Waa inuu sii helaa adeegyada waxbarashada, si loogu suurto galiyo cunuga inuu sii wato ka qayb galka manhajka waxbarashada guud, iyada oo uu meel kale ka qaadanayo, iyo in horumarkiisa uu ku raadinayo wixii uu doonayo ee lagu dayey Xubinta Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyaadka (IEP) ; iyo 2. Waa inuu helo qiimayn ku saabsan akhlaaqda kuu ku socon karo iyo adeegyada ka hortaga akhlaaqda iyo sidii loo badalilahaa kuwaasi oo loogu talo galay in wax laga qabto xad gudubka aklaaqda si aanay mar kale u dhicin. Kadib marka la eryo cunuga laxaadka daran isaga ama iyada meesha meelaynta ee ay wakhtigaasi ku jiraan mudo dhan 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka oo isku xigga ama ka yar iyo aanu erigaasi ahayn mid lagu badalayo meelaynta (tixraac sharaxaada xagga 32 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta hoose eeg), kadibna waa in shaqaalaha iskuulku la tashi la yeeshaan ugu yaraan mid ka mida macalimiinta cunuga si loo ogaado adeegyada loo baahan yahay ilaa heerka ay gaadhayaan si loogu suurto galiyo cunuga inuu sii wato ka qayb galka manhajka waxbarashada guud ahaaneed, iyada oo meel kala lagu qabanayo horumarna looga sameeyo sidii uu wixii doonayo u gaadho kuwaasi oo lagu lagu dejiyey Xubinta Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyaadka (IEP). Hadii uu erigu noqdo badalkii meelaynta (.Tixraac sharaxaada, xagga hoose eeg) cunuga xubinta u qaabilsan barnaamijka waxbarashada shakhsiyaadka ee (IEP) ayaa go’aaminaya adeegyada ku haboon si ay ugu suurto gashoinuu cunug ka sii qayb qaato manhajka waxbarashada guud ahaaneed iyada oo meel kale lagu qabanayo horumarna looga sameeyo sidii uu wixii uu doonayo ee lagu dejiyey Xubinta Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyaakda (IEP) cunuga. Cadaymaha go’aansashada, Isla 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka wixii go’aana ee lagu badalayo cunuga laxaadka daran maadaamo uu ku xad gudbay xeerka akhlaaqda ardayga (marka laga reebo eriga oo ah 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka oo isku xigga ama ka yar iyada oo aan lagu badalayn meelaynta), Degmada iskuulka, waalidka iyo wixii kale ee ka tirsan ee soo raaca xubinta u qaabilsan Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyaadka ee (IEP) (ku waasi oo lagu go’aamiyeen waalidka iyo iskuulkadegmada) waa inay dib ugu noqdaan wixii macluumaada ee la xidhiidha faylka ardayga marka lagu daro xubinta barnaamijka waxbarashada shakhsiyaadka ee cunuga (IEP) iyo wixii kale ee macalin indho indheeyo, iyo wixii macluumadaa ee la xidhiidha oo ay bixiyeen waalidku si loogu go’aamiyo: 1. Waa hadii akhlaaqada laga hadlayaa ay ka dhalatay ama ay saamayn wayn oo toosa ay ku yeelatey xidhiidhka cunuga laxaadka daran ama 2. Waa hadii akhlaaqda laga hadlayaa ay si toosa uga timid guul darada iskuulka ku keentey sidii ay u hirgalin lahaayeen cunuga barnaamijka waxbarashada shakhsiyaadka IEP Hadii degmada iskuulku ama waalikdu, ama wixii Xubin ka ah cunuga Barnaamijka Waxbarashadiisa Shaqsiyaadka (IEP) go’aamiyaan labadaa marxaladood midkood uu buuxiyey, waa in akhlaaqda la go’aamiyo si ay u noqoto cadaymaha laxaad darada cunuga. Hadii degmada iskuulku, ama waalidku ama wixii xubin ka ah cunuga Barnaamijka Waxbarashadiisa Shaqsiyaadka (IEP) inay go’aamiyaan akhlaaqda su’aasha laga qabo inay si toosa uga timid guul darada uu ku guul daraystay iskuulku inuu hirgalin waayo Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyadeed (IEP), waa inuu iskuulka degmadu talaabo deg dega ka qaado si loo xaliyo wixii ka maqan. Akhlaaqda cunugu sameeyey ma waxa sabab u ah laxaad darida cunuga si go’aan cad looga Gaadho Hadii degmada iskuulku, ama waalidku ama wixii xubin ka ah cunuga Waxbarashadiisa Shakhsiyadeed (IEP) ay tahay inay go’aamiyaan iney cadaynta akhlaaqdu ay sabab u ahayd laxaad darada cunuga, Xubinta Barnaamijka Waxbarashada Shaqsiyaadka (IEP) waa waajib in: 1. Ururinta qiimeyn wax ku oolka ah, Jeeroo iskuulka degmadu uu ururiyey qiimeyn taasi oo lagu ururiyey qiimeynta wax ku ool ka ah ka hor inta aaney dhicin akhlaaqdaasi sababtey bedelka meesha meeleynta, iyo fulinta qorshaha ka hortaga ee cunuga; ama 33 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 2. Hadii qorshaha ka hortaga ee la dejiyey, dib u hubinta ama ku dib ugu noqoshada qorshaha ka hortaga, kuna badala sidii loogu baahdo, si loo xaliyo akhlaaqda. Marka laga reebo waxa hoos lagu sharaxay ee hoos yimaada hordhaca Marxaladaha gaarka ah, waa in iskuulka degmadu cunuga ku celiyaa meelaynta oo ah halkii ilmaha laga saaray, waa hadii aanu waalidka iyo degmadu ku heshiin in la badalo meelaynta iyada oo ah qayb ka mida is badalka lagu samaynayo qorshaha ka hortaga akhlaaqda. Marxaladaha gaarka ah Hadii ay akhlaaqdu ahayd wax sabab ay u ahayd laxaad darada cunugu shaqaalaha iskuulku waxay ka saari karaan ardayga waxbarashada ku meel gaadhka ah ee gaarka ah (taasi oo lagu go’aamiyey Xubunta Barnaamijka Waxbarashada Shakhsiyadeed ee cunuga (IEP) ilaa 45 cusho oo ah maalmaha iskuulka waa hadii uu ilmuhu : 1. Hadii uu ilmuhu hub sito ama uu u soo qaatay iskuulka (tixraac sharaxaada xagga hoose) lana yimaada dhulka iskuulka, ama meelaha howlaha iskuulku ka jiraan kuwaasi oo hoos yimaada Laanta Waxbarasada Gobol oo ka tirsan degmada iskuulka; 2. Isaga oo ogaan u haysta ama isticmaala maan dooriye aan sharciyeysnayn (tixraac sharaxaada xagga hoose), ama iibiya ama codsada ama iibiya maandooriye dawladu ilaaliso (tixraac sharaxaada hoose), inta uu iskuulka joogo, la yimaada dhulka iskuulka, ama meelaha howlaha iskuulku ka jiraan oo hoos yimaada laan waxbarasho ama degmada iskuulka;ama 3. Dhaawac u gaystay jidhka qof kale (tixraac sharaxaada hoose) isaga oo iskuulka jooga, ama dhulka iskuulka, ama meelaha howlaha iskuulku ka jiraan kuwaasi oo hoos yimaada iskuulka degmada. Qeexida Maandooriyayaasha la ilaaliyo waxa weeyi macmeheedu maan dooriyaha ama waxyaabo kale oo lagu sharaxay qodobadani I, II, III, IV, ama V qaybta 202(c) Qodobka Maandooriyayaasha La Ilaaliyo (21 U.S.C. 812(c)). Maan dooriyaha sharci darada ah waxa weeyi macnaheedu kuwa la ilaaliyo; marka laga reebo maandooriyayaasha sharciga sharci ahaan loo haysto ama loo isticmaalo kuwaasi oo ay ilaalinayaan kuwa xeel dheerayaasha daryeelka caafimaadka ee liisanka u haysta ama si sharci ah loo haysto ama loo isticmaalo markay hoos yimaadaan masuuliyiin kasta marka loo eego qodobka ama hoos yimaada sharciyada dawlada dhexe. Dhaawaca halisa oo gaadhay jidhku waxa weeyi macnaheedu marka la sharaxo” dhaawaca halisa oo gaadhay jidhk” a wuxuu hoos yimaadaa unuga (3) hoos yimaadana (h) qaybta 1365 qodobka 18, Sharciga Maraykanka. Hub macnaheedu waxa weeyi “hubka halista ah” ee hoos yimaada unuga (2) qaybta koowaad ee hoos timaada (g) qaybta 930 qodobka 18, Sharicga Maraykanka. Ogeysiinta Maalinta taariikhda go’aanka la gaadho si loo saaro waxa taasi macnaheedu yahay in la badalay meelayntii cunuga waayo wuxuu ku xad gudbay xeerkii akhlaaqda ardayga, waa in degmada iskuulku ogaysiiyaan waalidka go’aanka la gaadhay aanay waalidka siiyaan ogaysiiska habka ilaalinta. Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta BEDELIDA MEELEYNTA IYO CAYRINTA AKHLAAQ XUMIDA AWBEED 34 34 CFR §300.536 Cayrinta cunuga qaba laxaad darada iyada oo laga cayrinayo cunuga meesha uu hada wax ka barto ee lagu meeleeyey waa bedelka meeleynta hadii: 1. Cayrinta oo ah 10 cisho oo ah maalmaha iskuulka oo isku xigga ama 2. Cunugu waxaa lagu qaadey cayrin adag taasi oo nidaamka dasduurkeedu yahay: a. Cayrinta adag waxay dhan tahay mudo ah 10 days oo ah maalmaha iskuulka ee sanad dugsiyeedka; b. Cunuga akhlaaqdiisa oo badi la mid ah waxyaabo uu sameyn jirey cunung ka horeeyey kaasi oo dhacdadaasi oo xaasilkeedu noqdey in sid adag loo cayriyo; c. Sida waxyaabo kale oo dhaliya inta ay dhan tahay mudo kasta oo la cayriyey, marka la isku geeyo inta jeer ee cunuga la cayriyey, iyo sida ay iskugu dhadhawaayeen midba midka kale; iyo Hadii disdoorka nidaamka cayrinta ee bedelka meeleynta uu iskuulka degmadu go’aamiyo iyaga oo ku saleysan kiis ilaa kiis, iyo hadii aanay sahlaneyn, waa mid dib loo hubin karo iyadoo la tixraacayo nidaamka xuquuq dhowrista iyo habka sharciga maxkabada. GO’AANKA ARINKA 34 CFR § 300.531 Xubinta u qaabilsan Barnaamijka Waxbarashada Shaqsiyaadka (IEP) ee cunuga ayaa go’aaminaysa meesha ku haboon ee waxbarashada ku meel gaadhka ah ee cayrinta ah bedelka meeleynta, iyo cayrinta ku hoos dhigan cinwaanka Awooda dheeraadka ah iyo marxaladaha gaarka ah, ka koreysa. RACFAANKA 34 CFR § 300.532 Guud ahaan Waalidka cunuga qaba laxaad darida laga yaabaa iney xereeyaan dacwada nidaamka xuquuq dhowrista ( sharaxaada xaga sare eeg) si loo codsado dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista hadii isaga ama iyada ayna ku raacsaneyn: 1. Go’aan kasta oo oo lagu tixgalinaayo meeleynta hoos timaada qarshaha edbinta; ama 2. Cadeynta go’aanada ee lagu qeexay kor. Iskuulka degmadu laga yaabaa inuu xereeyo dacwada nidaamka xuquuq dhowrista (sharaxaada xaga sare eeg)si loo codsado dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista hadii la rumeysan yahay in meesha hada cunuga lagu meeleeyey ay tahay mid sida badan u eeg iney keeni karto dhaawac cunuga ku dhaca ama kuwa kaleba. 35 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Awooda sarkaalka dhageysiga Sarkaarlka dhageysiga kaasi oo buuxiyey waxyaabaha la iskaga baahan yahay ee kor lagu qeexay hoosta cimwaanka yar Sarkaarlka Dhageysiga Eex la’aanta waa waajib inuu fuliyo dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrista iyo sameynta go’aanka. Sarkaarlka dhageysigu laga yaabaa inuu: 1. Ku soo celiyo cunuga qaba laxaad la’aanta meeleynta taasi oo ah meeshii laga soo cayriyey waa hadii uu sarkaalka dhageysigu uu go’aamiyo in cayrintu ay ahayd mid xadgudub ku ah waxyaabaha la iskaga baahnaa ee ku hoos dhigan cinwaanka Awooda Qofka ka shaqeeya Iskuulka, ama akhlaaqda cunuga ay sabab u tahay laxaad daridu; ama 2. Waxaad dalban kartaa meelaynta cunuga laxaadka daran adiga oo gaynaya meesha ku haboon ee waxbarashada ku meel gaadhka ah ee gaarka ah in aan ka badanayn 45 maalmood waa hadii uu sarkaalka dhagaysigu go’aamiyo in lagu sii hayo meelaynta imika ee cunuga ay si wayn waxyeelo ugaysan karto cunuga ama kuwa kale. Habka dhagaysiyadu waxa laga yaabaa in lagu noqdo, waa hadii iskuulka degmadu rumaysan yahay in cunuga lagu celiyo meelayntii u horaysay hadii ay gaysanayso waxyeelo ku timaada cunuga ama kuwa kale. Mar kasta oo waalidku ama iskuulka degmadu xareeyo Habka Loo maro Dhagaysiga Dacwada, iyo Sida Loo Maro Dacwada marka laga reebo kuwa soo socda : 1. Laanta Waxbarashada Gobolka ama degmada iskuulka waa inay qaban qaabisaa nhabaka dacwada oo la dedejiyey habka dhagaysiga oo ah inay dhacdo mudo 20 maalmood gudaheeda laga bilaabo maalinta la codsaday dhagaysiga waana in go’aan laga soo saaraa mudo 10 maalmood gudaheeda oo ah maal maha iskuulka kadib wixii ka dambeeya dhaygaysiga.. 2. Waa hadii aanay waalikda ama degmada iskuulku ku heshiin iyada oo qoraala in laga dhaafo shirka ama lagu heshiiyo dhex dhexaadin, ama shir xala oo ah inuu ku dhaco mudo toba cisho gudahooda laga bilaabo taariikhda maalinta la helay ogaysiiska habka dhagaysiga dacwada. Dhagaysigu waa in lagu dhaqaaqaa waa hadii aan arinta lagu xalin aanay labada dhinacba ku qanacsan yihiin isla 15 maalmood gudahood oo ah taariikhda maalinta la helay habka dacwda xuquuqda. 3. Waxa laga yaabaa inuu gobolku dejiyo habka sharciga ee lagu dedejinayo habka dhagaysiga xuquuqda in ka horaysa sidii ay awal u dejiyeen oo ah habka dhagaysiga xuquuqda marka laga reebo wakhtiyada dhacdooyinka waa inay qanuunkaasi noqdaa mid waafaqsan sharciga ee qoraalkani wixii ku saabsan dhagaysiga dacwda xuquuqda. Dhinac waxa laga yaabaa inay racfaan ka qaataan go’aanka iyaga oo dedejinaya habka dhagaysiga dacwada xuquuqda laga yaabo inay la mid tahay go’aanadii kale ee habka dhagaysiga xuquuqda (tixraac Racfaanka, xagga sare) Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta MEELEYNTA MUDADA RACFAANKA 36 34 CFR §300.533 Marka lagu sharaxo xagga sare, waalidka ama iskuulka degmadu xareeyo habka dhagaysiga xuquuqda dacwada ee la xidhiihda arimaha akhlaaqda, waa inuu cunugu (waa hadii aanu waalidku ama Laanta Waxbarashadu Gobolka ama iskuulka degmadu heshiis ku yihiin) waa inuu joogo meesha waxbarashada ku meel gaadhka ah ee gaarka ah iyada oo ay ku xidhan tahay go’aanka sarkaalka dhagaysiga , ama ilaa inta wakhtiga loogu talo galay ee arisku dhaco kuwaasi oo lagu siiyey laguna sharaxay inta hoos timaada mawduuca Masuuliyiinta Shaqaalaha Iskuulka, kii hor yimaadaba DIFAACA CUNUGA AAN WALI U QALMIN WAXBARASHADA GAARKA AH IYO ADEEGYADA LA XIRIIRA 34 CFR §300.534 Guud ahaan Hadii aan la ogaan inuu cunugu u qalmo waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada kale ee la xidhiihda aanu jabiyo xeerka akhlaaqda ardayda, aanay degmada iskuulku ogayd (sida hoos lagu qeexay) ka hor akhlaaqdaasi taasi oo keentay in laga qaado talaabo xagga akhlaaqda ah wuxuu cunugaasina ahaa mid laxaad daran, waxa laga yaabaa inuu cunugu keeno wixii uu isku ilaalinayey ee lagu sharaxay ogaysiiskani. Aqoonta lagu salaynayo talaabooyinka akhlaaqada ee lagu dhaqaaqay Waa inuu iskuulka degmadu u leeyahay aqoon inuu cunugu yahay mid laxaad daran hadii, akhlaaqda keentay in talaabo xal ahi dhicin: 1. Waalidka ilmaha ayaa soo bandhigay walaac qoraala inuu cunugu u baahan yahay waxbarasho gaara iyo adeegyada kale ee la xidhiidha madaxda iyo maamulayaasha shaqaalaha oo ah laanta waxbarashada ee ku haboon, ama qof macalin u ah cunuga: 2. Waxay waalidku codsadeen qiimayn la xidhiidha inuu u qalmo waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada kale ee la xidhiidha hoos yimaadana Qeybta B ee Sharciga Waxbarashada Shakhsiyadeed ee Laxaadka Daran (IDEA) ama; 3. Cunuga macalinkiisa ama shaqaale kale oo ah kuwa iskuulka degmada ayaa muujiyey walaacyo khaasa oo ku saabsan akhlaaq isdaba jooga oo uu muujiyey cunugu taasi oo uu toos u abaaray maareeyaha waxbarashada gaarka ah ama madax kale oo ah shaqaalaha iskuulka degmada. Wixii ka reeban Degmada iskuulku uma yeelan karto aqoon hadii aanay jirin arimaha hoos ku qoran: 1. Cunuga waalidkiisa ayaan ogolaanin qiimayn cunuga ah ama diiday adeegyada waxbarashada gaarka ah;ama 2. Cunuga waa la qiimeeyey waxana lagu go’aamiyey inaanu ahayn cunug laxaad daran marka loo eego Qeybta B ee Waxbarashada Shakhsiyadeed ee Laxaadka daran (IDEA). 37 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Marxaladaha lagu dhaqmayo hadii aanay jirin aqoon lagu salaynayo Ka hor intaan la qaadin talaabooyinka akhlaaqda ee cunuga, iskuulka degmadu ma haysto aqoon ah inuu cunugu yahay cunug laxaad daran, sida kor lagu soo sharaxayna ee hoos timaada mowduuca Aqoonta Lagu Salaynayo Talaabooyinka Akhlaaqda iyo wixii Ka Reeban waxa laga yaabaa in ilmaha la mariyo talaaboyin akhlaaqda ah kuwaasi oo lagu sameeyo carruurta aan laxaadka daranayn oo ku dhaqaaqa akhlaaq u dhiganta. Si kastaba ha ahaatee, hadii la codsadey in la sameeyo qiimeynta cunuga isla mudada uu cunugu ku jiro edbinta, qiimeyntu waa waajib in loo ururiyeye si degdeg ah. Ilaa la dhameeyo qiimaynta waxa uu cunugu joogayaa meesha meelaynta waxbarashada taasi oo ay go’aan ku gaadheen masuuliyiinta iskuulku waxana ka mid noqon kara in laga joojiyo ama eryo iyada oo aan la siin adeegyada waxbarashada. Hadii ay noqoto ama lagu go’aamiyo inuu cunugu yahay mid qaba laxaad daro, iyada oo la eegayo macluumaadka qiimaynta taasi oo ay qaadeen iskuulka degmadu iyo macluumaadka ay waalidku bixiyeen iskuulka degmada waa inuu bixiyaa waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xidhiidha ku waasi oo waafaqsan Qeybta B ee Waxbarashada Shakhsiyadeed ee Laxaadka Daran (IDEA), marka lagu daro akhlaaqda shuruudaha laga doonayo ee kor ku sharaxan. KU WAREEJINTA TALAABADA SHARCI FULINTA IYO AWOODA SHARCIGA MAXKABADA 34 CFR §300.535 Qeybta B ee Waxbarashada Shakhsiyadeed ee Laxaadka Daran (IDEA) ma’aha: 1. Mid ka joojinaysa laanta inay wargeliyaan masuuliyiinta ku haboon dambi uu cunuga laxaadka darani sameeyey;ama 2. Mid ka joojinaya kuwa gobolka ee dhaqan galiya sharciga iyo masuuliyiinta maxkamadaha inay dhaqan galiyeen masuuliyada saaran taasi oo la xidhiidha dhaqan galinta sharciga dawlada dhexe iyo ta gobolkaba dambiyada uu gaysto cunuga laxaadka daran. Warbixinta la gudbinayo Hadii degmada iskuulku soo wargeliyo dambi uu sameeyey cunuga qaba laxaad darada, waa inuu iskuulka degmadu: 1. Waa inuu hubiyaa in la soo gudbiyey koobiyada waxbarashada gaarka ah iyo talaabooyinkii Qoraalka diiwaansan ee cunuga si ay u’eegaan masuuliyiinta warbixinta dambiga ay laanta u gudbisay iyo 2. Waxa laga yaabaa inay soo gudbin karaan koobiyada waxbarashada gaarka ah iyo talaabooyinkii qoraalka diwaansan ee cunuga oo kaliya ilaa inta uu ogol yahay Sharciga Xuquuqda Waxbarashada Qoyska ee gaarka ah (FERPA). Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta 38 Requirements for Unilateral Placement by Parents of Children in Private Schools at Public Expense GENERAL 34 CFR §300.148 Qeybta B ee Waxbarashada Shakhsiyadeed ee Laxaadka Daran IDEA kama doonayso inuu iskuulku kharashka waxbarashada, marka lagu daro waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xidhiidha, ee cunugaaga laxaadka daran iskuul gaara ama meel kale hadii iskuulka degmadu ku siiyey waxbarasho bilaasha oo ku haboon oo ah waxbarashada dadwaynaha (FAPE) aanad ka doorbiday inaad cunuga gayso iskuul gaara ama meel kale. Si kastaba ha ahaatee, degmada iskuulku ee iskuulka gaarka ahi ku yaal waa inuu ka mid yahay mid la mida baahida laga hadlay ee dadka kale la qabaan cunugaaga baahidiisa qeybta B waxay tilmaamayso ee la xidhiidha carruurta waalidkoodu geeyeen iskuul gaara marka la hoos keeno 34 CFR §§300.131 ilaa 300.144. Lacag celinta meelaynta iskuulka gaarka ah Hadii uu ilmahaagu horay uhelay waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xidhiidha kana helay masuuliyiinta iskuulka degmada, aanad ku go’aansatay inuu ilmahaagu galo iskuul gaara oo ah kuwa hore, dugsiga hoose, ama ka sare adiga oon aan iskuulka degmadas ka heli ogolaasho gudbina, maxkamadi ama dhagaysiga sarkaalku waxa laga yaabaa inuu laanta ka doono inay kuu celiso kharashkii aad cunuga ku galisay waa hadii maxkamad ama sarkaalka dhagaysigu ogaado in aanay laantu kuu samayn waxbarashada dadwaynaha oo ku haboon (FAPE) inaan ilmahaaga lagu siin wakhti ku haboon ka hor intaan lagu darin iskuulka gaarka ah eek u haboon. Sarkaalka dhagaysiga ama maxkamada ayaa eegaysa inay meelayntaadu tahay mid ku haboon , xitaa hadii ay meelayntu buuxin waydo heerka qiimaha gobolka taasi oo lagu eego waxbarashada uu bixiso Laanta Waxbarashada Gobolka iyo iskuulka degmadu. Xadka lacag celinta Kharashka lacag celinta ee unugyada dusha lagu soo sharaxay waxa laga yaabaa in la yareeyo ama la diido: 1. Hadii (a) kii ugu dambeeyey ee barnaamijka Waxbarashada shakhsiyadeed ee cunuga (IEP) shirkii aad ka qayb gashay ka hor intaanad cunugaaga ka saarin iskuulka dadwaynaha, lamaad socodsiin Xubnaha Waxbarashada Shakhsiyadeed inaad diidaysay meelaynta iskuulka degmadu kuu soo bandhigay in cunugaaga la siiyo waxbarasho bilaasha oo ku haboon oo ah waxbarashada dadwaynaha (FAPE)adiga oo sheegaya walaacaaga iyo ujeedadaada ahayd inaad ilmahaaga qortid iskuul gaara iyada oo ay kharashku saran yahay dadwaynaha; ama (b) ugu yaraan 10 cisho oo ah maalmaha shaqooyinka (marka lagu daro maalmaha fasaha ah oo ku soo beegma maalmaha shaqada) intaanad cunugaaga ka saarin iskuulka dadwaynaha, maad siin degmada iskuulka goraal ogaysiisa oo ku saabsan warbixintaasi; 2. Ka hor intaanad ilmahaaga iskuulka dadwaynaha ka saarin, degamada iskuulku wuxuu ku siiyey ogaysiis hore oo qoraala , taasi oo ujeedadiisu ahayd inay qiimeeyaan cunugaaga (marka lagu daro ujeedada qiimaynta eek u haboon ama macquula), laakiin umaad soo diyaarin cunuga qiimaynta; ama 3. Markay maxkamadu ogaatay inay talaabooyinkaagu ahayn kuwo macquula. 39 Qeybta B Ogeysiiska Habka Ilaalinta Si kastaba ha ahaatee kharashka lacag celintu: 1. Waa inaan la yarayn ama la diidin maadaamo aad ku guuldaraysatay inaad bixisid ogaysiis hadii: (a) iskuulku kaa joojiyey inaad bixisid ogaysiiska; (b) Adiga oon helin ogaysiiska masuuliyadaada iinaad keentid ogaysiiska kor lagu sharaxay; ama (c) waafaqsan shuruudaha kor ku qoran inay u badnayd inay cunugaaga waxyeelo ugaysato; iyo 2. Laga yaabaa inuu sarkaalka dhagaysiga maxkadu ikhtiyaar uleedahay inaan la yarayn ama la diidin maadaamo waalikdu ku guuldaraystay inay bixiyaan ogaysiiskii laga doonayaye hadii: (a) aanu waalidku wax qorin ama Af-Ingiriisi wax ku qori Karin; ama (b) waafaqsanaanta shuruudaha kor ku qorani waxay keeni kari lahaayeen inay waxyeelo xagga qalbiga u gaystaan cunuga. Wixii macluumaada eek u saabsan habka ilaalinta waxa laga heli karaa ciwaanka hoos ku qoran: Wasaarada Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose iyo Sare ee missouri Qeybta U hogaansamida Teleefanka: 573-751-0699 Fax: 573-526-5946 Telefanka logu talo galey dadka aan si fiican wax u maqalin: 1-800-735-2966 Sharciga Waalidka ee Missouri (MPACT) Teleefanka: 816-531-7070 Fax: 816-531-4777 Teleefanka lowgu talo galey daka aan si fiican wax u maqlin/Codka: 1-800-743-7634 Oktoober 2006 Wasaarada Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose iyo Sare ee Missouri Wasaarada Waxbarashaaa Dugsiyad Hoose iyo Saree ma samayso takoor ku salaysan jinsiyad, midab, asal ahaan halka aad ka timid, dhidig iyo lab inaad tahay,ama da’da mrkay timaado barnaamijyadeeda iyo howlaheedba. Wixdii ogaansho ah ee la xidhiidha Barnaamijyada Laanta waxa lagu hagaajin karaa xafiiska Jefferson State Office Buidling, Title IX Coordintor, 5th Floor, 205 Jefferson Street, Jefferson City, MO 65102-0480;Lambarka telefanka 573-751-4212